Faysal Cali Waraabe oo U Digay Wariye Ka Tirsan BBC-da oo Somaliland Ka Fidiya Warar Been Abuur Ah

0
2041

Hargeisa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa digniin u culus u diray mid ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala idaacada iskeed iskaga hadasha ee BBC-da oo warar been abuur ah ka fidiya dowladda Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa Weriyehaasi oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Xaaji Catoosh uga digay in uu ka waantoobo wararkaasi hagar daamada ah ee uu Somaliland ka fidiyo.

“War Catooshow Somaliland lagama ceesho ee ka jooji hagar daamada”.ayu7 yidhi guddoomiye Faysal.

Dhinaca kale, Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu saxaafadda Somaliland kula dardaarmay inay joojiyaan fidinta wararka been abuurka ah oo uu sheegay in dad codaw ah ay Somaliland ka abuuraan.

Waxa uu tusaale u soo qaatay afhayeenkii dhowaan u hadlay dowladda Itoobiya, kaas oo uu sheegay in hadalkiisa ay warbaahintu ka soo qaadatay qolo ku tarjumtay af-Carabi , laakiin aanu Somaliland ku tilmaamin xubin ka mid ah Soomaaliya.

Xadgudubyada ay idaacadda BBC-du ku hayso jamhuuriyadda Somaliland ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay aad u soo badanayay, waxaanay shaqaalaha iyo masuuliyiinta idaacadani marar badan ku xadgudbeen xuquuqda ay leeyihiin shacabka reer Somaliland, waxaana xusid mudan in markasta ay hoos u dhigaan meeqaamka ay mudan-tahay Somaliland, balse markasta oo ay khalad iyo gef u gaystaan Somaliland waxay sheegaan inay raali galin ka bixinayaan, waxaanay arritaas bulshada reer Somaliland u arkaan dheel-dheel iyo gaf caddaan ah oo ay u badheedhaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here