Muran Dhinaca Maamulka Ah oo Ka Taagan Masjid Soomaalidu Ka Dhistay Norway

0
1591

Oslo (Hargeisa Press) – Xaaladda masjidka ugu weyn ee Soomaalidu ka dhistay caasimadda waddanka Norway ee Oslo ayaa waxaa ka taagan muran xooggan oo ku saabsan dhinaca maamulka, iyadoo sidoo kalana ay xayirantahay lacagtii dhinaca dowladda kasoo gali jirtay masaajidka.

Muranka ayaa salka ku haya cidda maamuleysa masaajidka Tawfiiq, arrintaas oo ay ku murmeen laba garab oo iska soo horjeedda.

Maamulka Gobolka iyo dowladda Norway ayaa waxay labaduba soo jeediyeen in la qabto doorasho wakhtigeeda lagasoo hormariyay, islamarkaana la raaco xeer cusub oo masjidka loo sameeyay, hase-ahaatee arrintaasi ma noqon mid la dhaqan-geliyay.

Labadan garab ayaa la sheegay in ay is dacweeyeen , laakiin dhammaan meelihii ashkatada la geeyay ayaa dib ugu soo celiya, waxaana loo sheegay in dhinacyada is haystaa iyagu heshiiyaan.

Waxaa mar jiray isku soo dhowaashiyo la doonayay in xeerka cusub lagu meel mariyo, waxayse xaaladdu kasii dartay markii boolis ilaalinayay goob lagu ballamay loo dusiyay xog sheegeysay inay weerar soo yihiin dad mindiyo iyo bistoolado ku hubeysan, waxayna arrintaasi dhalisay in dhowr qof oo Dumar u badan loo diido inay goobta galaan, waxaana kamid ah sida la sheegay inay ku jiraan Haween bixiyay lacago badan oo masaajidka lagu dhisay.

Walaac xooggan ayaa ku gadaaman mustaqbalka masaajidka Tawfiiq, haddii aan loo helin xal deg deg ah oo ay gaadhaan Soomaalida iyo muslimiinta ku nool magaalada Oslo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here