Cali Gurey oo Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadiisa Ku Dhaliilay Ka Aamusnaanta Arimaha Siyaasadeed Ee Saamaynaya Dalalka Ay Xidhiidhka La Leedahay

0
2849

Hargeisa (Hargeisa Press)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo ka mid ah Siyaasiyiiinta Somaliland, ayaa Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa ku dhalliilay ka aammusnaanta arrimaha siyaasadeed ee saamaynaya dalalka ay xidhiidhka la leedahay iyo kuwa ay hadda la yeelanayso iyo weliba ka hadal-la’aanta waxa arrimeheeda ay dalalka dibedda qaarkood ka yidhaahdaan iyo sidoo kale wax fahamsiin la’aanta bulshadeeda.

Cali Gurey waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyey Bartiisa Facbook oo uu kaga hadlay arrimaha ku saabsan la xidhiidhka dalalka dunida, gaar ahaan dalka Itoobiya oo u muuqda inuu saluug weyn ka qabo xidhiidhka Somaliland iyo Masar u bilaabmay dhawaan iyo weliba hadallada ay ka yidhaahdeen oo uu xusay in lagu tilmaami marko kuwo qadaf ku ah Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidatan:-

“Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi dhibta haysataa waxay tahay waxba waanay fahamsiin karin dadkeeda marka ay tahay siyaasadaheeda iyo xidhiidhada ay la leedahay dunida kale.

Bal dadkeedii oo dhan, ayaa fahmi la’ oo ku wareersan Masar, Itoobiya iyo xataa Muqdisho iyo xidhiidhka mid walba ay la leedahay iyo waxa ay ugu hagaagayso iyo halka loogu soo hagaagayo.

Waxaan is leeyahay tolow mid walba ma haa iyo haye ayay gaarkiisa ugu tidhaa? Mise waa ilyare-galbeed eh marka hore hiii uun bay wada tidhaa? Si marka dambe ciddii ay diiddan tahay ugu tidhaa; ‘Annagu hii baannu ku nidhiye hadmaan haaba ku nidhi!?’

Haddii ay jiraan hadallada dhacdhaca iyo meelka dhaca ah ee laga soo sheegayo masuuliyiinta Itoobiya, yaa u diidday in meelka dhaca laftiisa si adag iyo meelka dhac kaga jawaabaan si saaxiga la isula keeno?

Masar haddii ay Saldhig Millateri siinayso iyo haddii ay u diidayso-ba, ma Itoobiya ayaa go’aanka leh mise Somaliland? Waa maxay Madaxdan bustaha qoyani saaran yahay, ee marka lagu yar kululeeyo hanqalka uun hoos u roganaysa ee dadkoodi waxay diiddan yihiin iyo waxay doonayaan aan midna fahamsiin karin?.” Sidaa ayuu Cali-guray ku yidhi qoraalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here