Dhalinyarro Hal Abuur Ganacsi Sameeyay Oo Lacaggo La Guddoonsiiyay

0
789

Hargaysa (HP): Haayada maxaliga ah ee Innovative Ventures ayaa maanta lacag maalgelineed guddoonsiisay dhalinyarro la yimid hal abuur ganacsi.


Dhalinyaradda ku guulaystay maalgelinta dhaqaale oo ka kala socday afar shirkadood ayaa isu gayn lacagta la siiyay waxay dhamayd $30,000 oo dollar.
Barnaamijkaasi oo soo socday muddo shan sanadood ah ayay haayadda Innovate Ventures ku maalgelisaa dhalinyaradda la yimaadda hal abuurka ganacsi.


Haayadda Innovate Venture oo ay xarunteedu tahay magaaladda Hargaysa ayaa dhalinyaradan shalay ku guulaystay maalgelinta lacageed waxay muddo saddex bilood ah tababar ku soo siisay xarunta haayadaasi ee magaaladda Hargaysa.


Barnaamijkan maalgelinta dhalinyaradda waxaa gacan dhaqaale ka gaysta haayado caalami ah oo ay ka mid tahay haayadaha OXFAM iyo shirkadda Telesom.


Munaasibadii lagu shaacinayay dhalinyaradda la yimid hal abuurka ganacsi waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta xarunta Innovate Ventures, masuul ka socday shirkadda Telesom, haayadda OXFAM, haayadda Spack, xubno ka socday jaamacadda Admas iyo masuuliyiin kale.


Filsan Cali, oo ah madaxa mashaariicda ee xarunta Innovate Ventures, ayaa ku dhawaaqday dhalinyaradda ku guulaystay maalgelinta dhaqaale iyo shirkadaha ay ka socdeen.
Waa markii shanaad oo barnaamijkan la qabto, kaasoo soo bilaabmay sanakdii 2015-kii.


Shirkadda Telesom ayaana ah shirkadda keliya ee maxali ah oo taageero dhaqaale ka gaysata barnaamijkani marka laga soo tago haayadaha caalamiga ah.
Waana markii shanaad oo ay Telesom ka qayb gasho tan iyo markii la bilaabay barnaamijkani.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here