Fadeexadihii Ku Xeernaa Shirwaynihii Gollaha Dhexe Ee Xisbiga Wadani.

0
1222

Barxadda Hudheelka waxa ku sugnaa Masuuliyiintii Rasmiga ahayd ee lagu yaqiin xisbiga wadani, ama tirada ergooyinkii ugu badnaa, Gudahana doorasho ayaa ka dhacaysay).

Β 

Maalinba nin bay caashaqdaa cago wadaadleye,
Maantana tallaabada cutiyaay Cali miyey raacday

 

Gari Allay taqaane, Axmed Muumin Seed, Wuxuu xaq u lahaa inaan lagu khiyaamin in habeenimadii la korodhsado ergooyinka gollaha dhexe, hawlwadaneedadii kaadhadhka daabacayayna aan loo rarin guryo ambasador dabadooda ah , xafiisyadii xisbiga ee hawshu ka socon lahaydna aan la xidhin markay gaadhay 7:00 habeenimo, Cabdiraxman Cirana telephonada xidhan, ahmed muumin seedna ilaa habeenimadii ilaa aroornimadii aanu kabaryin hawladeenada uu adeerka u yahay ciro inay tirada rasmiga ah u sheegaan ee kaadhadhka loo sameeyay.

 

Hadaba Sharciyan Gollaha dhexe, yaa kordhin kara? tirada gollaha dhexe ee wadani waxay ahayd Ku dhawad 451, Waxana tirada lagu kordhin karaa oo kaliya shirwayne xisbi, Cabsi laga qabo dadaalkii iyo tacabkii uu bixiyay axmed muumin seed iyo Haldoorkii muga iyo miisaanka lahaa ee la socday sida Xoghaye ku xigeenka siyaasada Xisbiga Wadani , MudaneMaxamed AbiibΒ oo habeenimadii hantiyay tiradii ugu badnayd ee gollaha dhexe intii la isla yaqiinay oo dhanayd 451 ergay, ayaa Gudoomiye ciro Iyo gacan yarayaashiisa Ku kordhiyeen Ergo dhan 220 gollihii dhexe ee hore, oo laga soo xulay Haybta gudoomiye ciro , markii la aamini waayay ergooyinkii ay ka soo xulan lahaayeen gobolada.

 

Gari Allay Taqaane. Axmed Muumin Seed, wuxuu xaq u lahaa, Maadaamuu ahaa , gudoomiye ku xigeenkii xisbiga wadani, iyadoo la dhawrayo, masuuliyada, tacabka iyo ixtiraamka uu xisbiga ku lahaa, iyo haday noqoto dhanka Alphabetica ama Horgalaha Magacyada oo uu ahmed muumin seed Xaq u lahaa in isaga loogu hordhawaaqo, looguna hor yeedhiyo, taas oo mujin lahayd qadarin iyo ixtiram, balse laga doorbiday Ambassador Mohamed Cali, qudheeduna protocol ahaan khalad wayn ayay ahayd iyo Gaf laga galay Ahmed Muumin Seed iyo intii xaqa iyo cadaalada jeclaydba.

 

Gari Allay Taqaane , Axmed Muumin Seed, wuxuu xaq u lahaa si loo ilaaliyo kalsooniada tartamayaasha in codsigiisii ahaa in xubno loogu daro tiriyayaasha codka iyo protocolka shirka in loo ogolaado si wixii jira iyo dhaq dhaqaaqyada socdaba uu ula socdo balse may dhicin oo waxay ahayd Gaf kale oo laga galay wada lahaanshiyihi xisbiga, iyo tacabkii uu ku bixiyay ahmed muumin Seed.

 

Gari Allay Taqaane, Axmed Muumin Seed, xaq buu u lahaa inaanu ku qancin shirwaynaha oo tiradii ugu badnayd ee gollahii dhexe ee rasmiga ahayd ay ku suganaayeen Dibada ama barxada hoteelka, hoolkii shirkana laga soo buuxiyay Xaafada Gudoomiye Ciro, halka masuuliyiintii Garabka dhalinyarada Xisbiga Wadani, Iyo Masuuliyiintii Garabka haweenka ee xisbiguba laga soo xidhay hoolkii codaynta, halka masuuliyiin waawayn oo siyaasiyiin ahaana ay hotelka ka soo dareereen.

 

Garri Allay Taqaane, Waxa milgaha Iyo dhaqanka suuban ee siyaasada ka reeban, in musharax ka cadhooday afduub shirwayne, hadana barxada loogu sii diyaariyo dhalinyaro, kula kacay Axmed Muumin seed inay gacan u qaadaan, kaladhka iyo raqabadana ay jiid jiidaan, Ogobey marka horeba waxay ahayd sheeko ugub ah in Shirwayne xisbi laba hudheel lagu kala qabto,oo maalin la baajiyo, oo hadana afduubkii gacan ka hadal loogu daro musharax axmed muumin seed Iyo masuuliyiintii la dareenka noqdayba.

 

Gaba Gabadii, Gobolka awdal waa gobolkii aqoonta, Ilbaxnimada Iyo xaqu dirirka, waxay ka garniqi doonaan, cadaaladaa la xooray, waxay ka garniqi doonaan wada lahaanshiyihii xisbiga ee liicday, waxa dhito siyaasadeed ay u gunti doonaan, gacan ka hadalkaa ambasador dhexdiisa loogu gaystay axmed muumin seed., waxaan ogahay, reer awadal inay yihiin dad abaalleh, qiimayn karana in xisbiga U cadaalad fali kari waayay Gobolkii Awdal inaanu u cadaalad fali doonin Somaliland.

 

W/Q: Maxamed Cabdikariim (Maxamed-Maarshaal)

mmaarshaal@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here