Tirada Dadka Uu Ku Dhacay Coronavirus Ee Somaliland oo Korodhay

0
1733
Covid-19
Covid-19

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa maanta xaqiijisay 25 qof oo hor leh oo ku dhacay xanuunka Coronavirus.

Waxaana cudurka ka bogsatay guud ahaan Somaliland 84 qof halka dhimashadu ay gaadhay 26.

Guud ahaan tirada kiisaska feyraska Coronavirus ee Somaliland waxay gaadhayaan ilaa 504.

Somaliland waxay hore u qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xakeymanayo fiditaanka cudurka.

Warbixinta guud

Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 65

Shan iyo labaatan qof (25 ) ayaa laga helay xanuunka, 23  waa Somalilander, halka 2 qof udhashay Pakistan . Bukaanadan 12 qof waa rag, 13  qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(1jir ilaa 9jir = 1 qof)
(10jir ilaa 19jir = 4 qof)
(20jir ilaa 29jir = 7  qof)
(30jir ilaa 39jir = 3 qof)
(40jir ilaa 49jir = 2 qof)
(50jir ilaa 59jir = 2 qof)
(60jir ilaa 69jir = 4 qof)
(70jir ilaa 79jir = 1 qof)
(80jir ilaa 89jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 24  qof  iyo  Berbera oo ah 1 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 3 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Afar  iyo Sideetan  (84).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here