Erdogan oo Putin Ku Booriyay Inuu U Dhaqmo Si Caqli-gal Ah

0
471

Ankara (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, ayaa khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, wuxuuna ku booriyay inuu u dhaqmo si caqli-gal ah, kadib markii dagaalyahannada calooshood u shaqeystayaasha ah ee Ruushka ay billaabeen duqeymo hubeysan, sida ay sheegtay Madaxtooyada Turkiga.

Putin, ayaa ku tilmaamay ficillada kooxda Wagner inay yihiin “khiyaano qaran” mar uu khudbad degdeg ah ka jeediyay taleefishinka, wuxuuna sheegay in cid kasta oo hub u qaadata milateriga Ruushka la ciqaabi doono.

Erdogan, ayaa ka mid ahaa hogaamiyayaashii ugu horeeyay ee la xidhiidhay Putin khudbadiisii Sabtidii kadib.

Madaxtooyada Turkiga, ayaa sheegtay in labada dhinac ay ka wadahadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Ruushka, wuxuuna Erdogan u sheegay Putin in Turkigu uu diyaar u yahay inuu qaybtiisa ka qaato sidii xal nabadeed loo gaadhi lahaa.

Erdogan, ayaa isku dayay inuu sii wado xidhiidh adag oo uu la yeesho Moscow iyo Kiev tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadka Ukraine.

Turkiga oo xubin ka ah NATO, ayaa diiday in uu ku biiro xulafadiisa reer galbeedka oo cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogay Ruushka, balse waxa ay sidoo kale hub siisay Ukraine, waxayna ku baaqday in la ixtiraamo madax-banaanideeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here