Edna Aadan oo Walaac Ka Muujisay Heer Cudurka Covid-19 Ka Marayo Somaliland

0
1095
Drs. Edna Aadan Ismaaciil
Drs. Edna Aadan Ismaaciil

Hargeisa (Hargeisa Press) – Ergayga Gaarka ah Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya Drs. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa walaac xooggan ka muujisay heerka Xannuunka Covid-19 ka marayo dalka.

Drs Edna Aadan waxa ay sheegtay in xannuunka Covid-19 uu Somaliland si maalinle ah ugu dilo Dad tiradoodu u dhaxayso 10 illaa 30 Ruux, sidaasi darteed Dadweynaha looga baahan yahay inay u hoggaansamaan tilmaamaha caafimaad ee ka-hortagga iyo Xakamaynta faafitaanka Caabuqa Coronavirus.

Β β€œWaad wada garanaysaan in Faafidda xanuunka Covid-19 ay tahay mid aad iyo aad u fudud, sidaas darteed ka hor taggiisa ayaynu rabnaa inaynu meel uga soo wada jeedsano,” Sidaas ayay tidhi Drs. Edna Aadan.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Drs Edna Aadan waxa ay walaac ka muujisay heerka uu xannuunka Covid-19 ka marayo Somaliland.

β€œXanuunku Dad badan buu galaaftay, Xabaalihii way buuxaan, Maalin walba waxa innaga dhimanaya 10, 20 iyo 30, markaa waa in si muddakar ah oo ay Masuuliyad ku dheehan tahay aynu uga soo wada horjeedsano Xanuunka,”ayay tidhi Drs. Edna Aadan Ismaaciil.

Waxa ay rejo wanaagsan ka muujisy in tallaalka ka-hortagga Covid-19 wada-gaadho guud ahaan dalka, waxaanay tidhi, β€œTallaalku goorta uu Dadka wada gaadhi Ilaahaybaa og, immika wuxuu marayaa Wasaaradda Caafimadka iyo in yar oo hareero joogta, laakiin ka hor-taggii debcin mayno, waxaanuse rejaynayaa in sida Dawladaha kale ee Adduunku Tallaalka u fidiyeen inuu innagana suurto-geli doono”.

β€œKhudbaddii Madaxweynaha ayay ku jirtay in Dawladdu ay isku mashquulinayso Daawada Covid-19 wax ay deeq ku hesho iyo wax aynu iibsanaba, laakiin maxaynu ku sugaynaa haddii Tallaalku inna soo gaadho innaga oo dhamaanay, maxay taraysaa? Markaa waa in si adag looga hor-tago,” Sidaas ayay tidhi Drs. Edna Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here