Dugsiyada Nuuradiin Oo Isku Darsaday Ardayga Ugu Sareeya Somaliland iyo 7 Ka Mid Ah Tobanka Hablood Ee Dalka Ugu Sareeya + SAWIRRO

0
1363
Maamulaha guud ee dugsida The owner of Nurudin schools Mr.Mahad Mohamed IbrahimMahad Ibrahim Maxamed

Dugsiga Nuuradiin Oo Sannadkan Wacdaro Ka Dhigay Imtixaanka Shahaadiga Ah Iyo Xaflad Hambalyo Ah Oo Loo Qabtay Ardaydii Kaalmaha Hore Gashay

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dugsiga Noradiin oo ka mid ah hormuudka dugsiyada Somaliland ayaa maanta ka dhex hilaacay kaalmaha hore ee imtixaanka shahaadiga ah kaasi oo maanta shir jaarid ku qabtay xarunta dugsiga Noradin oo u jeedkiisu ahaa diiri galinta iyo u hambalyeynta ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada afaraad iyo sideedaad.

Maamulaha guud ee dugsida Noradiin Mahad Ibrahim Maxamed kaasi oo halkaasi ka hambalyo balaadhan u diray ardayda somaliland ee maanta loogu dhawaaqay imtixaanka shahaadiga waxa uu halkaasi si gaar ah ugu hambalyeeyey ardayda sanadkani ka baxay dugsiyada Noradin waxaanu halkaasi mid mid ugu mahad naqay ardaydii kaalamaha hore ka gashay imtixaanka shahaadiga ah, geesta kale waxa uu halkaasi ka sheegay in dugsiyada Noradin ay yihiin kuwo ku suntan aqoon iyo akhlaaqad wanaag.

Waxana halkaasi lagaga dhawaaqay ardayda kaalmaha hore ka gashay imtixaanka shahaadiga ah kuwaasi oo iskugu jira Wiilal iyo gabdho:- dugsiyada Sare ee dalka Asma Yuusuf Adam Abdi oo kaali koowaad gashay, Amal Maxamed Xasan Jamac oo kaalinta labaad gashay, Samda Mustafe X.Askar oo kaalinta sadexaad gashay , Hibaaq Jamac Cumar Axmed oo kaalinta todobaad gashay, Raxma Abokor Cabdiraxmaan oo kaalinta sideedaad gashay, Istahil Adan Xuseen Axmed Oo kaalinta tobnaad gashay, ardaydaasi oo ah Hablaha gaalinta sare gashay tobonka ugu sareeya ee dalka.

 

Dhanka kale waxa iyana kaalmaha hore ee dalka galay dugsiyada sare gaar ahaan wiilasha:- Khaalid Maxmed Odowaa Tukaale oo ah ardayga ugu sareeya guud ahaan dalka kaasi oo ka sareeyey marka lagu daro dugsiga Sos Ooo gaar loo xisaabiyo waxaanu keenay dhibco dhan 924 halka laga rabay 1000, Yaxye Cabdi Gaxnuug Gas oo kaalinta labaad galay, Xamse Cabdilaahi Muxumed Maal oo kaalinta shanaad galay, Guuleed Muxumed Jamac oo kaalinta sagaalad galay guud ahaan ardaydaasi kor ku xusan oo ah ardayda galay kaalmaha ugu sareeya dugsiyada sare ee dalka.

Geesta kale dugsiyda Noradiin oo kaalmo muuqda ka soo hooyey imtixaanka shahaadiga ah eee fasalada sideedaad ayaa waxa halkaasi laga yeedhiyey ardayda ka baxday dugsiga Noradin ee kalamaha hore ka gashay:- Hanan Amin Ismail oo kaalinta sadexaad ka gashay imtixaanka dugsiyada hoose.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Cumar Farax Cabdala oo ka warbixiyey sababaha keenay in dugsiyada Noradin ay uga dhex muuqdaan dugsiyada Somaliland kaasi oo sheegay in dadaalka sida laysku dheeryahay loo kala abaal marin helayo waxaanu sheegay in dugsiyada Noradin ay ku dhaafeen dhigooda kale maamul wanaag iyo macalimiin tayo sare leh oo barayaal ka ah dugsiyadaasi waxa kale oo uu sheegay in ay isku xidhan yihiin Waalidiinta Maamulka iyo macalimiinta si loo xoojiyo tayada ardayga.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay waalidiinta labada arday ee dhanka wiilasha iyo gabdhaha ugu sareeya kuwaasi oo u mahad naqay maamulka dugsiyada Nooradin iyo dhamaan cid kasta oo ka gacan gaysatay in ay ardaydaasi maanta soo hooyaan guulahaasi muuqda ee imtixaanka.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here