Dr. Cabbdirisaaq Yuusuf Cabdillaahi Oo Loo Doortay Gudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland + SAWIRRO

0
1098

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Shirweynihii 6-aad ee ururka dhakhaatiirta Somaliland ayaa Gudoomiye loogu doortay Dr. Cabdirasaaq Yuusuf Cabdilaahi, shirweynaha oo ka dhacay huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa. Shirweynaha 6-aad waxaa ka so qayb-galay wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim iyo Dhakhaatiirta Somaliland ee ku midaysan ururka Dhakhaatiirta Somaliland ee SMA. Shirweynahan ayaa ujeedadiisu ahayd sidi loo dooran lahaa hogaan cusub oo badal hogaankii hore ee muddo lixeedkiisu dhamaaday.

 

Shirka ayaa u bilaabmay si habsami leh ka dib markii ay soo dhamaadeen xubnihii ururuka waxaan furitaankii shirweynaha waxaa ka hadlay Gudoomiyaha wakhatigu ka sii dhamaanayo Dr. Cabdirashiid Xaashi waxaanu ka warramay ujeedadii loo aasaasay ururkan dhakhaatiirta waxaanu yidhi, β€œUjeedadii ururkan aynu u aasaasnay waxay ahayd sidii looΒ  soo saari lahaa xirfadlayaal caafimaad oo bulshada u adeega isla markaana ku sifooba akhlaaqada suuban iyo dhaqanka looga baahan yahay dhakhtarku inuu lahaadaa”, Sidaasi waxaa yidhi Gudoomiyaha ururkaasi Dr Cabdirashiid Xaashi.

 

 

Gudoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii watta waxa uu yidhi, β€œTirada loo baahan yahay iyo tayada looga baahan yahay inay soo saaraan dhakhaatiirtu waxay ahayd inaynu bulshada ku soo kordhino dad aqoonleh oo dhakhaatiir ah oo akhlaaqdii dhakhtarnimo leh balse haddii uu markahoraba dhakhtarku yahay mid isaguba aan akhlaaqdii laga rabay lahayn dhakhtarka uu soo saaraana dee waxaΒ  uu noqonayaa mid isaga oo kale ah oo aan akhlaaq lahayn oo bulshada kharriba”.

 

Dhanka kalana waxa uu sheegay inay xukuumaddu dhaqaale ku bixiso mushaharaadka ay dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadku qaataan taas oo dhawrkii dhakhaatiir ahi mushaharka ay qaataan uu ka badan yahay hal-mudane oo ka tirsan Baarlamaanka sidaa darteed looga baahan yahay xukuumaddu inay arrintaa wax ka badasho si ay bulshada ugu soo baxaan dad tayo leh oo caafimaadka yaqaanna.

 

Waxaa iyana halkaa ka hadashayΒ  Dr Luul Jirde oo ah agaasimaha ururka mihnadlayaasha caafimaadka waaanay ka warantay inay ku faraxsantahay ka soo qaybkalka shirweynahaasi waxaanay tidhi β€œaad iyo aad baan ugu faraxsanahay shaqada aad soo qabateen NHPC iyo SMA -na xidhiidh weyn baa ka dhexeeya waxyaabaha aannu ku taagannahayna waxaa kamid ah idinka iyo SLNMA” ayey tidhi Ms Luul Jirde.

 

Waxaa isna halkaa ka hadlay agaasimihii hore ee caadimaadka haddana ah agaasimaha guud ee tacliintasare Dr Yuusuf Cumar waxaanu sheegay inaysan haboonayn inay dhakhaatiirru u dhaqmaan sdiii dad hanti uun bulshada ka ururrsanaya oo dhaliilahooda meelahaa lagaga sheekeeyo β€œma haboona inaynynu noqono sidii kuwo hanti uun bulshada ka uruursanaya dhaqaale balse aan ka fikirayn dufuufaha dhaqaale ee buslada aynu ku dhexnoollahay oo meelahaa lagaga sheekaysto dhaqaale uruursi uun inaynu nahay” ayuu yidhi Dr Yuusuf Cumar agaasihihii hore ee wasaaradda caafimaadka haddana ah agaasimaha tacliinta sare.

Dr.Abdirisaaq

Dhiirrigelintaasi ka sakaw waxa uu dhakhaatiirta u soo jeediyey inay ka faa’iidaystaan xidhiidka dhakhaatiirta kale ee dunida sida Suudaan oo kale oo dhawaan sheegtay inay dhawaan tababar u furayso dhakhaatiirta Somaliland balse ay ka horeyso inay galayaan imtixaan laga qaadidoono oo dhakhtrka ku guuleystaa uuni oo galidoono β€œdhawaan Dawladda Suudaan waxay inoogu deeqday tababar in la siiyo dhakhaatiirteenna basle waxaa ka horeyn doona inay ka qaadidoonaan imtixaanaad oo cidii ku guuleysata imtixaankaasi uuni ay ka qaybgalidoonto waxaanan idiin sheegayaa inuu tababrkaasi cidkasbata u furanyahay” ayuu yidhi Dr Yuusuf.

 

Dr Yuusuf Cumar waxa uu dhakhaatiirta ku boorriyey inay ka qaybgalaan arrimaha siyaasadda si ay xo-ogaal ugu noqdaan dhaqaalaha kalka soo galaya β€œwaxaynu leenahay Ragg waaweyn oo aqoonleh oo khabiirro ah markaa waxaan innagu dhiirrigelinayaa inaad Siyaasaddana gashaan si aad goobjoogayaal ugu noqotaan halka lagu qaybinayo dhaqaalaha dalka” ayuu yidhi waxaana madasha ka dhacay sacab farabadan taas oo laga dheehanayey sida ay dhakhaatiirtu ugu riyaaqeen kelmadda uu agaasimuhu ka sanqadhiyey ee ah inay siyaasaddana ku biiraan.

 

wasiirka wasaaradda Ganacsiga Dr. Β Muuse Qaasim oo ah xubin kamid ah ururka dhakhaatiirta ee SMA waxaanu si rasmiya u furay shirweynahaasi basle waxa uu sheegay in uu ururka dhakhaatiirtu abuurmay xiligii la sameeyay Golaha Guurtida balse 10 sano uun kahor si rasmiya loo sameeyey shuruucdiisa β€œUrurka dhakhaatiirta horta 10 sano ka hor lama aas aasine waa markii shuruucda loo sameeyey balse markii la aas aasay waxay ahayd markii aan qaaxo joognay waxaana lagu aas-aasay tuulada Madaweyn” ayuu yidhi Dr Muuse Qaasim.

 

Intaa wixii ka dambeeyey madasha shirkaasi waxaa loo doortay xunaha shirgudoonka hagaya shirkaasi inta uu socda maanta labada gelinba waxaanay shigudoonka u doorteen Dr Bashiir Cabdi-suleymaan halka ay gu xigeenna u dooteen Drs Faadumo Xaashi Iimaan halkaa oo ay iyana xoghayn u doorteen Drs Saynab Muuse Jaamac waxaana loo dareeray wixii intaa ka dambeeyey salaadii Jumcaha waxaana la soo laabanayaa marka saladda la soo tukado ee haddana la soo qadeeyo kadib markaas oo ay doorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeenka ururrkaasi ka bilaamidoonto hoolka Hoodaale 1 ee Hotelka Maan-soor ee Hargeysa.

 

Drs Fatxiya Maxamed Nuur oo ka socota dhakhaatiirta Gogalka AWDAL ayaa kamid ah ku xigeenka jagada Gudoomiyaha ururkaasi oo isla maanta galinka dambe lagu dooran doono fadhigan qadada kadib waxaanay Dr Fatxiya sheegtay inay Rajo-weyn ka qabto inay jagada ku xigeenka ku guuleysan doonto %90 β€œanigu waxaan rajaynayaa inaan ku guuleysto codadka ugu badan ee jagada ku xigeenka Gudoomiyaha %90β€³ ayey tidhi Drs Fatxiya Maxamed.

 

Kadib qadadii waxaa laysugu soo laabtay halkii ugu muhiimsanayd ee dooddii wax qabadkka ururka iyo sidii loo kalaΒ  mudnaa ama loogu soo kala horeeyey ka mid noqoshada ururrka waxaana markiiba meesha ka soo baxay kala qaybasnaantii ururrka ee markii horaba jirta taas oo madasha laga sheegayΒ  in si quruxbadan loo xalliyay balse aanay fari ka qodnayn waxaana madasha ka bilaambay loolan u dhexeeya labbada garab ee dhakhaatiirta oo kala ahaa dhakhaatiirtii waaweynayd ee hore iyo dhakhaatiirtii dambe oo si weyn ugu khilaafsan hogaaminta ururrka iyo cidda ku haboon taas oo ay dhakhaatiirtii hore isu arkaan inay iyagu yihiin kuwa ugu haboon ee xiliagan hogaaminkara ururka halka ay dhakhaatiirtii dmabe ee ay iyagu soo saareeni isu arkaan inay iyagu kaga hoboonyihiin dhakhatiirtii hore.

 

Khilaafkaasi waxa uu si weynΒ  madasha u hadheeyey salaadii casar markii la soo tukaday kadib ee ay gaadhay habkii loo codayn lahaa waxaanay Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo koox u badan dhakhaatiirtii hore soo jeediyeen inay tartanka hadhaan labada dhakhtar ee u taagan Gudoomiyaha ururka oo kala ahaa Dr Cabdirisaaq Yuusuf Cabdillaahi iyo Dr Maxamed Muuse isla markaana halkaa lagu doorto xubin kamid ah dhkhaatiirtii hore taas oo ay markiiba si weyn uga biyo diideen dhakhaatiirtii dabma.

 

Soo jeedinta Dr Gaboose iyo kooxiisu waxay dhalisay inay dhakhaatiirtii yaryaraydi cadhi ka muujiyeen arintaa isla markaana ay dareen ka dhan ah ka qaateen inay sanadkaa maanta ah iyaga dhaafto madaxtinimada ururkaasi waxaanu Dhakhtar u haday dhalinyaradu sheegay inaysan ka tanaasulayn tartankooda kuna kalsoonyihiin nasiibkooda maadaama ay tiro ahaan ka badanyihiin dhakhaatiirtii hore β€œannagau markii aanu tiinna raacaynay doorraad miyaanu khaldanayn ase maanta ayaannu khaldannahay? ayuu yidhi.

 

Dr Bashiir Cabdi-suleymaan oo ahaa Gudoomiyihii shirgudoonka ayaa u yeedhay labadii musharrax waxaanu yidhi β€œmar haddii ay arrintii halkaa marayso waxaan u yeedhayaa labadii Musharrax inay halkan yihmaadaan si aan ugu kala codayno haddii ay tanaasuliwayaaan balse waxaynu marka hore waydiinaynaa inay tanaasulayaan iyoΒ  inkale” ayuu yidhi waxaanay isa soo garab joogsaday labadii musharrax waxaanay sheegeen inaysan ka tanaasulayn tartankooda β€œ21 habeen bay soo socotay bashani ee maxaa saacaddii ugu dambeysay naloo yidhi tanaasuula haddii aanay meesha wax ku jirin markaa waxaan anigu [CADIRISAAQ] leeyahay tanaasulimayo ee shaqadu sidii ay ku socotay ee hore halagu wado”ayuu yidhi.

 

Musharrixii kale ee Dr Maxamed Muuse oo isaguna halkaa ka hadlay waxa uu si kooban u sheegayΒ  β€œmar haddii uu musharrixii aan la tartamayey diiday inuu tanaasulo anna waxaan ku adkaysanayaa tartankaygii hore waanad mahadsantihiin”ayuu yidhi Dr Maxamed Muuse,intaa kadib waxaa la tiriyey dhamaan Dhakhaatiirta madasha fadhida waxaanay noqdeen 113 dhatar oo ka mid ah 150 kaadh oo la qaybiyey inay yimaadaan madasha taas oo ka dhigaysay inay intakale maqanyihiin sida mar sii horeysay uu Dr Gaboose madasha ka sheegayna waxaajiray qaarbadan oo kamid ahaa dhakhaatiirtii hore inay cadho kaga maqanyihiin shirweynahan ururrka dhakhaatiirta Somaliland oo ah kii 6-aad.

 

Waxaa mid mid looguΒ  yeedhay intii xaadirka ahayd oo laga qaaday kaadhadhkii ay kaga qaybgalayeen shirka isla markaana loo dhiibay warqaddii ay ku codaynayeen oo ay ku qorayaan magaca musharraxa uu qof-waliba doonayo-gabagabadii codayntii doorashada waxaa ku guuleystay Dr Cadirisaaq Yuusuf oo ka socday Gobalka Maroodijeex waxaanu helay 58 cod halka uu musharrixii kale ee la tartamayey Dr Maxamed Muuse ka helay 50 sadex codna way xumaadeen waxaana sidaa ku guuleystay Dr Cabdirisaaq Yuusuf oo noqonaya Gudoomiyaha cusub ee ururka dhakhaatiirta Somaliland oo xilka kala wareegidoona Gudoomiyihii hore Dr Cabdirashiid Xaashi.

 

Gudoomiye ku xigeenkana waxaa u tartamayey Dr Aadam iyo Drs Fatxiya Maxamed oo labaduba ka socdeen Gobalka Awdal waxaana cod aqlabiyadd ah kaga guuleysatay Drs Fatixiya Maxamed oo noqonaysa Gudoomiye ku xigeenka cusub ee dhakhaatiirta Somaliland,sidookale waxaa la dooranayaa Guddiga Boodhka ururrka iyo xubnaha lagu magacaabay Guddiga Musdabeedka ururrkaasi.

 

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here