Dowladda Kenya oo Dib Ugu Yeedhatay Safiirkeeda ka Joogay Soomaaliya

0
779
safiirka Kenya u jooga Muqdisho

Xukuumadda Kenya oo amartay in Safiirka Soomaaliya si degdeg ah uga baxo magaalada Nairobi + xudunta khilaafka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya

Nairobi ,(HargeisaPress)— Dowladda Kenya, ayaa dib ugu yeedhatay safiirkeedii u fadhiyey magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, halka sidoo kale safiirka Soomaaliya u jooga Nairobi lagu amray inuu ka baxo dalka Kenya.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya maanta, waxa ay Dowladda Kenya ka cadhootay xogta shidaalka ay Soomaaliya ku soo xaraashtay magaalada London ee dalka Ingiriiska taariikhdu markii ay ahayd 7 February 2019 in lagu daray goobo shidaal oo ku yaal dhul-badeedka Kenya leedahay ee u dhaw xadka ay la leeyihiin Soomaaliya.

“Tallaabadani waa arrin aan la aqbali karin oo la doonayo in lagu boobo ama xado khayraadka Kenya leedahay, mana noqon doonto tallaabo aan laga jawaabin oo sidaa la iskaga dhaafayo, waxayna la mid tahay falal gardarro iyo xad-gudub cad ku ah bulshada reer Kenya iyo khayraadka dalkoodaba,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

Waxaannu qoraalku intaas ku daray; “Dalka Kenya waxa uu u diyaarsan yahay, isla markaana uu diyaar u yahay inuu difaaco isku-duubnimada dhul ahaanta Kenya, wax kasta oo ay arrintaasi ku kacaysaba, iyadoo uu dalka Kenya u arko, una aqoonsan yahay cid kasta oo si toos ah iyo si dadban ugu lug yeelata ama ku soo xad-gudubta qarankaya in ciddaas tahay cid cadaw ku ah qaranka Kenya.”

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Mr Macharia Kamau, ayaa sheegay inay qoraallo kala duwan oo cabasho iyo ashkato ah u gudbiyeen madaxda Soomaaliya ka hor intii aannu dhicin shirka lagu xaraashay xogta kaydka shidaalka Soomaaliya ee lagu daray goobaha ku yaal gudaha xadka Kenya, balse ay masuuliyiinta sare ee Soomaaliya arrintaas iska indho-tireen, sidaa darteed ay dowlad ahaan u arkaan inuu yahay go’aan badheedh ah oo ka dhan ah hantida qaranka Kenya.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here