Mac-hadka HIPPSOR oo Qabtay Dood Lagu Falanqeeyey Dhaqanka Soomaaliga ah iyo Hannaanka Dimuqraadiga ah ee Somaliland

0
1002

Hargeysa,(HargeisaPress)—Dood-cilmiyeed lagu falanqeeyey sida ay isku saameeyeen nidaamka siyaasadeed ee ku salaysan hannaanka dimuqraadiga ah ee ka hirgalay dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhaqanka ku dhisan hannaanka qabaliga ah ee Soomaalidu lahayd muddada aadka u dheer.

Kulanka dood-cilmiyeedka ah oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee Caasimadda Hargeysa toddobaadkan, waxa soo qabanqaabiyey Mac-hadka HIPPSOR (Horn Institute for Public Policy and Social Research) oo falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo istiraatiijiyadda, iyadoo doodaas lagu falanqeeyey sida uu dhaqanka Soomaalidu leedahay u saameeyey hannaanka dimuqraadiga ah ee ay Somaliland qaadatay muddada 28-ka sanno ah ee ay jirtay.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen dad aad u tiro badan, ayaa waxa muxaadarooyin kala duwan oo arrintaa lagu lafa-gurayo ka jeediyey siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ay ka mid yihiin;

  1. Siyaasi Jamal Cali Xuseen
  2. Aqoonyahan Sacdiya Aw Muuse
  3. Axmed Aadan Buuxane
  4. Iyo Abwaan Yuusuf Shaacir

Ugu horeyn, waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Mac-hadka Hippsor Mr. Cabdinaasir Ibraahin Ismaaciil (Saacadaale) oo sharxay ujeedooyinka iyo hadafka ay u qabteen doodan, waxaannu yidhi; “Waxa ugu muhiimsan ee aannu Mac-had ahaan u qabanay dood cilmiyeedkan waxa weeeyi; waxa jira dareen sheegaya in isdiido dhex taalo dhaqankeena Soomaaliga ah iyo nidaamka siyaasadeed ee aannu qaadanay.”

Waxaannu Guddoomiyuhu intaas ku daray in Mac-had ahaan ay doonayaan sidii kulankan ay qabteen uga soo bixi lahaayeen qoraalo cilmiyeedyo loo soo bandhigo dadweynaha, kuwaasoo ah qaar wax-ku-ool ah, waxaannu yidhi; “Kullankan waxa aannu rajaynaynaa inuu horseed u noqdo mid xal lagaga gaadho arrimaha nooca ah.”

Haddaba, markii ay doodu billaabantay ayaa aqoonyahan kastaa wuxuu jawaab ka bixinayey su’aal ahayd; dhaqanka Soomaalidu sida uu saameeyey ama caqabad ugu noqday inay Somaliland qaadato nidaam siyaasadeed ku dhisan dimuqraadiyad, waxaanna ugu horayn halkaas ka hadlay Abwaan Yuusuf Shaacir oo ka mid ahaa martidii kulankaas ka soo qaybgalay, isagoo si xooggan u difaaacay in aan loo baahneyn nidaam dimuqraadiyadeed ee uu dadka Soomaalida ah ku filan yahay nidaamdkoodii dhaqan oo kaafiyi kara dhinac kasta oo noloshooda ka mid ah haddii ay tahay mid siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba, waxaannu yidhi; “Anigu sidaydaba ma taageersani nidaamka lagu sheego dimuqraadiyadda, inkasta oo ay tahay xaxiiqo aan la iska indho-tiri karin.”

Shir-beeleedyadii dhici jirey iyo siyaasadda

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in marka maanta la qiimeeyo xisbiyada siyaasadda Somaliland inay u eekaadeen sidii dukaan ama mehered ganacsi oo uu nin leeyahay, isagoo xusay in qofka la doono laga saaro xisbiga, qofka la doonana loo daayo, taas oo aan meelna ka soo gelin nidaamka dimuqraadiga ah ee Somaliland. “Anigu sida Abwaan Yuusuf Shaacir odhan maayo dimuqraadiyadda ma taageersani, waan tageersannahay, laakiin waxa aan qabaa in laga daayo khaladaadka kale ee lagu samaynayo,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadashay Sacdiya Aw Muuse oo iyana dhinaceeda tilmaantay in aan loo baahneyn in lagu dhegenaado in dhaqankii hore oo keliya uu xalku ku jiro ee loo baahan yahay in hoos loo eego sida ay noloshu isku beddeshay oo dhaqankuna la socdo, waxaana hadaladadeedii ka mid ahaa; “Dhaqanku meel ma taagna oo waxa uu isla bedbedlaa nolosha dadka, waxa aynu u baahannahay in qolo walba halkeeda lagu qiimeeyo, si horumar loo helo.”

Dr. Axmed Aadan Buuxane oo isna doodaas ka qaybqaatay, ayaa ka sheekeeyey meelaha ay ka soo jeedaan nidaamka suldaanada iyo caaqilada ee maamulka ama dhinaca dhaqanka u qaabilsanaa dadka Soomaalida ah, isaga oo soo qaatay tusaalayaal badan. Waxa kaloo halkaasi ka hadlay Maxamed Cabdi Daa’uud oo sheegay in dhaqanka Soomaaliga laftiisu uu ku salaysnaa faqri iyo isku dul-noolaansho oo aan loo baahnayn in lagu sii dhegenaado.

Dhinaca kale, waxa kulankaa ka hadlay Dr. Mustafe Kaydsane oo ka mid ahaa dadkii ka soo qaybgalay, kaasoo sheegay in si xal loogu helo siyaasadda Somaliland in loo baahan yahay in dib-u-eegis lagu sameeyo dastuurka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan nidaamka xisbiyada iyo doorashooyinka.

Ugu dambeyn, Mac-hadka HIPPSOR oo laga aasaasay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 2017-kii, waxa uu diiradda saaraa baadhitaanada arrimaha siyaasadda, waxbarashada, arrimaha bulshada, degaanka iyo dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here