Dhaawaca Gabadh Yar oo Waraabe Ku Cunay Hargeysa oo Lala Tacaalayo

0
1949

Hargeysa (Hargeisa Press) – Gabadh yar oo 5 jir ah, ayaa xalay uu Waraabe dhaawacyo halis ah waxaa uu ugu gaystay degmada Macalin Haaruun ee magaalada Hargeysa.

Cumar Diiriye Xirsi oo ah aabaha dhalay gabadha yar, oo Warbaahinta la hadlay, ayaa waxaa uu sheegay in uu Waraabuhu weeraray Gabadha Yar xilli ay guriga ka soo baxday xalay maqribkii.

“Xiligii Salaada Maqrib lagu jiray ayay ciyaalkii qaar kamid ahi u baxeen dibada, iyaduna way soo baxday oo kadinka ayay isa soo taagtay, bahalkuna wuxuu kaga soo booday xidh yar oo guriga ka danbeeya.” ayuu yidhi.

Farax Maxamed Maxamuud oo ah Gabadha Yar hooyadeed, ayaa iyaduna sheegtay in Guriga iyadu ka maqnayd markii uu weerarku dhacay balse ragii xaafadu ay ka rideen Waraabaha markii ay maqleen qaylada dumarka.

“Anuu waan ka yar maqnaa laakiin inan aan guriga kaga tagay ayaa joogtay, wuu dumar saday oo qayladii kumuu dhigin, raguna masaajidada ayay ku jireen wakhtigaa, balse markii danbe qayladii ragii masaajidka ayaa soo yaacay oo niman ayaa ka riday”. ayay tidhi.

Waxaa ay Farax Maxamed Maxamuud sheegtay in inanta yar uu waraabuhu madaxa qabtay oo ay dhaawacyo badan madaxa ka qabto.

Dhinaca kale, dhakhaatirka cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay Gabadha Yari dhaawacyo halisa qabto laakiin ay la tacaalayaan xaaladeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here