Doonni Siday Muhaajiriin Boqol Ka Badan Oo Ku Degtay Xeebaha Liibiya

0
720

Al-Khoms (Hargeisa Press.com): Dooni siday Muhaajiriin tiradoodu boqol ruux ka badnayd ayaa ku degtay Badda Midhitereeniyanka ee u dhaxaysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.

Shan qof oo mayd ah ayaa Badda laga soo saaray, 65 qof oo ka mid ahaa tahriibeyaashaashi ayaa la soo bad-baadiyay, halka 40 qof-na aan ilaa hadda la hayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Iyadoo  laga cabsi qabo in ay Badda ku dhinteen. Kadib markii ay qaraqantay doontii ay saarnaayeen.

Shanta maydka ah ee Badda laga soo saaray waxaa ku jira  qof Soomaali ah, sida uu xaqiijiyay Xuseen Yoonis Xasan, oo ka tirsan shaqaalaha qaramadda midoobay oo ku sugan dalka Liibiya.

Doontan muhaajiriinta siday ayaa la sheegay in ay Salaasadii shalay  ka shiraacatay magaaladda Al-Khoms oo ku taalla xeebta dalka Liibiya, taasoo ku sii jeeday wadamadda qaaradda Yurub.

Hase yeeshee doontaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay ku degtay meel 9 Mayl u jirta magaaladdii ay ka shiraacatay. Sida uu sheegay Xuseen Yoonis.

“Doontani meel 9 Mayl u jirta magaaladda Al-Khoms ee dalka Liibiya ayay ka shiraacatay. Waxaanay ku socotay dhinaca qaaradda Yurub, gaar ahaana wadanka Talyaaniga.

Waxaana la soo weriyay in ay doontaasi ku qaraqantay meel 9 Mayl u jirta magaaladii ay ka shiraaqatay”ayuu yidhi sargaalkan ka tirsan UN-ka oo la hadlay VOA.

Wuxuu sheegay Xuseen Yoonis, in aan si cad loo ogayn tiradda rasmiga ah ee tahriibeyaasha doontaasi saarnaa. Waxaanu yidhi “Tirro go’an lama hayo. Laakiin, waxaa la xaqiijiyay in ilaa 40 qof la la laaya’ay. 65 qof-na la soo bad-baadiyay.

Ilaa iyo hadda dhimashadda la xaqiijiyayna waa 5 qof. Weli warbixin rasmiya lagama hayo tiradda muhaajiriinta doontaas saarnaa, waayo? Doontu waxay ku baxday si sharci darro ah”.

Dadka muhaajiriinta ah ee saarnaa doontaasi ayaa la sheegay in ay u kala dhasheen wadamadda Suudaan, Itoobiya Ereteriya iyo Masar.

Tiradda Soomaalida saarnayd doontaasi qaraqantay ayaan ilaa hadda si cad loo ogayn, waxaana laga cabsi qabaa in dad Soomaali ah ka mid noqdaan 40 qof ee la waayay.

Xuseen Yoonis Xasan, oo faahfaahinayay wadamadda ay dadkaasi ka soo kala jeedaan waxa uu yidhi  “Dadkaasi waxay ka soo kala jeedaan wadamadda Suudaan, Itoobiya iyo Ereteriya, dadka la soo bad-baadiyay. Waxaa kaloo ku jira dad u dhashay Masar.

Shanta qof ee dhintay waxay ka soo kala jeedaan dalal kala duwan. Kuwaasoo ay ku jiraan dumar iyo caruur. Waxaana ku jira nin Soomaali ah, oo weli haybtiisa iyo magaciisa la sheegin. Laakiin, jinsiyadiisa la noo sheegay in uu yahay Soomaali”.

“Waxaa suurto-gal ah in 40 qof ee la laaya’ay, ee la filayo in ay Badda ku dhinteen, ee aan weli maydkoodii la haynin in ay dhinteen iyo in kale, waxaa suurto-gal ah in ay Soomaali ku jiraan.

Laakiin, waxaan imika kuu xaqiijin karaa in dadkaa la soo bad-baadiyay aanay ku jirin wax Soomaali ah.

Ninka Soomaaliga ah in uu dhintay waa la xaqiijiyay, waxaanu ka mid yahay shanta qof ee maydkoodda Badda laga soo saaray”ayuu yidhi sarkaalkan ka tirsan shaqaalaha qaramadda midoobay.

Dhinaca kale tiro-koob ahaan Soomaalida tahriibeyaasha  ee ku jira xeryaha muhaajiriinta Liibiya ayaa  kaalinta saddexaad ka ah qawmiyadaha kala duwan ee tahriibka u jooga Liibiya.

Inkastoo ay jiraan boqolaal kale oo Soomaali tahriibeyaal ah oo dhuumaalaysi ku jooga magaalooyin kala duwan oo dalka Liibiya ah.

Sida uu sheegay Xuseen Yoonis Xasan, oo sarkaal ka tirsan shaqaalaha jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ee jooga Liibiya.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here