Shirka Golaha Dhexe Ee UCID Oo Maanta Burco Ka Furmay

0
631

Burco (Hargeisa Press.com): Shirka golaha dhexe ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa maanta si rasmiya uga furmay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Shirkan oo ah kii todobaad ee golaha dhexe oo uu qabsado xisbiga UCID ayaa mudadda uu socdo lagu dooran doonaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

Iyadoo sidoo kale la buuxin doono jagooyin ay baneeyeen xubno xisbiga ka baxay iyo kuwo geeriyooday.

Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay boqolaal ergooyin ah oo Β ka kala yimid goboladda dalka iyo wadamadda dibadda, kuwaasoo ah wakiiladda xisbiga u jooga wadamadda dibadda iyo goboladda dalka.

Guddoomiyaha xisbiga UICD Eng. Faysal Cali Waraabe, oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirkan golaha dhexe ee xisbiga ayaa ka sheekeeyay taariikh ahaan xiligii la aasaasay xisbiga UCID iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray.

Wuxuu sheegay in u jeedooyinkii laga lahaa aasaaska xisbiga UCIDΒ  in ay ahayd sidii wax looga bedeli lahaa siyaasadda wadanka.

Isagoo xusay in fikradda aasaaska UCID ay ku dhalatay muddo haatan laga joogo 28 sanadood, taasoo ka soo bilaabmaysa sanadkii 1992-kii. Hase yeeshee si rasmiya loogu dhawaaqay sanadkii 2001-dii.

Eng. Faysal, waxa kaloo uu khudbadiisa kaga hadlay carqaladaha siyaasadeed ee ka dhex jira xisbigiisa iyo sidoo kale xaaladda siyaasadeed iyo mida nabadgeliyo ee Somaliland.

Waxaanu iftiimiyay dariiqa ugu haboon ee looga bixi karo dhibaatooyinka siyaasadeed iyo nabadgeliyo ee dalka ka jira iyo cida iska leh masuuliyadda furdaaminta carqaladaha jira iyo sida aanay kaalintoodii u qaadan.

Sidoo kale waxaa halkaas hadal ka jeediyay ergooyinkii kala duwanaa ee shirka ka soo qayb galay iyo masuuliyiinta sareΒ  ee hogaanka xisbiga.

Halkan Ka Daawo Khudbadii Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Dhinacyo badan Taabanaysa:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here