Doodaha Kala Durugsan Ee Ucid iyo Kulmiye + Xukumadda Oo Eedaymo Kula Dul Kuftay Wakiilada iyo Qaadhaan Bixiyeyaasha

0
750

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiye Xigeenka 3-aad ee Ucid Mujaahid Cali Guray,Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Warancadde, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dib u dhaca la yaqiinsaday ee Doorashada ku muddaysnayd 26-06-2015-ka.

Ugu horayn Cali Guray ayaa sheegay in ay garowsadeen inaanay suuro gal ahayn Doorasho dalka ka dhacda sidaas darteedna ay tahay in Xukumadda iyo Wakiilada la kala diro“Mawqifka aanu qaadanay waxa weeye in Marka hore la is waydiiyo maxaa keenay inaan doorashadu 26-ka June Qabsoomin?, haddii aanay qabsoomayn , Muddadii Madaxweynuhuna dhacayso, Baarlamaankuna 10 Sanno fadhiyay oo muddo dhaaf yahay, waxaanu qabnaa  in Xukumaddu ka mid noqonayso sababaha keenay dib u dhaca doorashada, markaa waa in Xukumaddan la bedelo oo la soo dhiso Xukumad lagu wada kalsoonaan karo inay doorasho dalka gaadhsiin karayso” ayuu yidhi Cali Guray Oo BBC-da La Hadlayay

Mawqifka Mucaaradka waxaa jawaabo ka bixiyay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Daakhiliga oo Eedahaasi diiday. Waxay ku doodeen inaanay lahayn Masuuliyadda dib u dhac ku yimaada doorashada.

Ugu horayn muuse Biixi oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in Xukumadda iyo Xisbigeedu aaminsan yahay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo “Annagu Awoodda dib u dhigista doorashada ma lihin,diba uma dhigayno, diyaar baanuna u nahay doorashada, waana in Komishanku maalinta doorashada Iclaamiyaan. Haddii ay Iclaamin waayaana wixii dastuurku Ogol yahay ayaa la yeeli doonaa” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Muuse Biixi waxa uu intaasi raaciyay “Imika waxaanu sugaynaa Jadwalkii Komishanka doorashada, haddii ay ka soo gaadhsiin waayaana waxaa la raacaya wixii dastuurku qabo. Annagu wali waxaanu citiqaadsannahay in doorashadu wakhtigeeda dhacayso oo Komishanku wali dib u dhac ma sheegin laakiin, haddii dib u dhac yimaado Sharcigaa jidaynaya waxa la yeelayo oo Guurtida ayaa waajibkaas leh”

Mudane Muuse Biixi, waxa uu dooda Mucaaradka ee ah in la kala diro Xukumadda iyo Baarlamaanka haddii doorasho qabsoomi waydo ku tilmaamay mid fikirka Mucaaradka ku salaysan sharcina aan ku lahayn raad, sidaas darteedna arrimahani markay yimaadaan sharciga iyo Dastuurka lagu kala baxo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancadde oo Shir Jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa isna u jawaabay Mucaaradka waxaanu yidhi “waxaan maanta Halkan ku sheegayaa inaan ugu Quus Gooyo Asxaabta mucaaradka,waxaanan leeyahay Dalkani waxa uu leeyahay Nidaam Dawladeed oo la iska Soo dhaxlay,waxaana ay dawladdani ku timaadaa Shacab Soo doortay, Dawladda Wadaagna Lama Samayn Karo,waxaana Dawladda Xilka Haysa Ka qaadi Kara uun Shacab  Ka Codeeya oo Kalsoonida Siiya,laakiin inta ka Horaysa Cida awoodda iska Leh waa La Garanayaa”

Mudane Warancadde, waxa uu sheegay in Xukumaddu qaadatay Doorkeeda doorashada kaga Aaddan “Halkan waxaan ka Cadaynayaa In Wixii Lagu Gali Lahaa Doorashada ay Dhamaysay Xukuumada Somaliland Si Aanay u dhaafin Sanadka 2015Ka,Lacagta Doorashada ku Baxaysaa way Badan tahay Qayb waxa qaadatay Dawlada Somaliland, Qaybna waxa Qaadatay Bulshada Caalamka. Halkan waxaan ka cadaynayaa Qaybtii ku Aadanayd Xukuumada somaliland In ay ku dartay Miisaaniyadda 2015ka. waxaad ogtihiin in Sharcigeenu dhigayo Qof Aan somaliland Ahayn inaanu Doorasho Dalka ka gali Karin oo Ah diwaan Galinta inuu isna Yahay mid Gabaabsi Ah,waxaana ay dhamaanaysay inta Aan doorashada La gaadhin” ayuu yidhi Warancadde.

Wasiirku waxa uu Golaha wakiilada ku eedeeyay inay kursiga fadhiyeen muddo 10 sanno ah ilaa haddana aanay samayn Xeerkii lagu dooran lahaa Wakiilada “Runtii Baarlamanku shantii sanno ee loo kordhiyay iyo shantii hore ee ay fadhiyeen tobankaas sanno may samayn sharcigii lagu dooran lahaa oo ilaa imika ay ka hadhay 4 bilood oo kaliya,asaasna waxa ay u tahay in ay doorasho dalka ka dhacdo.”

Wasiir Warancadde, waxa uu Waddamada Caalamka ee Somaliland taageera ku eedeeyay inaanay Samayn Diwaangalinta Codbixiyeyaasha Somaliland oo ay ahayd in wakhtigan la dhamaystiro balse aan ilaa hadda waxba laga qaban, lana bilaabin. Waxa uu sheegay inay iyagu lahaayeen bixinta kharashka ku baxaya.

 

“Waxaan Aad uga Xumay kaadhkii Lagu codayn Lahaa ee la Doonayay in La bilaabo Lix Bilood ka Hor inaan ilaa hadda Halkiiba Laga Qaadin. Annaga oo wax badan ku heshiinay Deeq Bixiyeyaasha in wakhti Hore La bilaabo,Marka Laga Reebo Shirkado Lasiiyay Qandaraaska oo wali khilaaf ka taagan yahay Dacwadna wali Jirto,waxaana ugu Baaqayaa hay’addaha Daneeya Doorashada in ay Dhameeyaa Wixii kaga Beegan” ayuu yidhi Wasiirku

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here