Dibadbaxyo looga horjeedo Wargeyska Charlie Hebdo oo ka dhacay Bakistaan

0
867

HargeisaPress —Booliiska Bakistaan ayaa waxay maanta isku dhaceen dad careysan oo ka dibadbaxayay sawrradii Nebi Maxamed (NNKH) lagu afla-gaadeeyay ee dhawaan uu soo daabacay wargeys kasoo baxa dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Charlie Hebdo.

Dibadbaxayaasha iyo booliiska ayaa isku dhacoodu yimid kaddib markii dibadbaxayaashu kusoo dhawaadeen dhismaha qusuliyadda France ay ku leedahay magaalada Karachi oo ah magaalada ee dalkaas ugu weyn.

Ciidanka booliiska ayaa la sheegay inay adeegsadeen biyo tuuryo ah si ay ugu kala eryaan dibadbaxayaasha, taasoo sare u qaaday carada dibadbaxayaasha oo billaabay inay booliiska la dagaalamaan.

Mudaaharaadkan ayaa waxaa soo abaabulay xisbi Islaami ah oo Jamaacatul Islaamiya lagu magacaabo. Iyadoo dibadbaxayaashu ay cod dheer ah ugu qaylinayeen erayo ay kaga soo horjeedaan wargeyska dalka Farasiiska laga leeyahay.

Wargeyska ayaa waxaa toddobaadkii lasoo dhaafay weeraray laba nin oo la sheegay inay walaalo ahaayeen, kuwaasoo dilay 12-qof oo intooda badan ahaa shaqaalihii wargeyskaas, inkastoo labadii nin maalin kaddib la toogtay.

Siyaasiyiinta dalka Bakistaan ayaa shalay oo Khamiis ahayd cambaareeyay Charlie Hebdo ee soo daabacay sawirrada lagu afla-gaadeeyay Nebigeenna Muxamed (NNKH). Iyadoo culummada dalkaas ay iyaguna in si toos ah loo ugaarsado suxufiyiinta wargeyskaan u shaqeeya, lana qabto dibadbaxyo looga soo horjeedo kartoonnadii uu soo daabacay.

Iska-horimaadka dhexmaray booliiska iyo dibadbaxayaasha ee Karachi ka dhacay ayaa la sheegay inay saddex qof ku dhaawacmeen, waxaana lasoo sheegayaa in dibadbaxayaashu ay intooda badan ahaayeen arday ka tirsan xisbiga islaamiga ah ee Jamaacatul Islaam.

Mudaaharaadayaasha ayaa isku dayay inay gudaha u galaan qunsuliyadda uu Faransiisku ku leeyahay Karachi, balse waxaa ka hor-istaagay booliiska ilaalada ka haya dhismahaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in lagu dhaawacay dibadbaxyadan laba wariye oo la sheegay in midkood uu u shaqeynayay wakaaladda wararka France ee AFP, kaasoo lagu magacaabo Asif Xasan, iyadoo xabbadka laga toogtay.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Bakistaan ayaa waxaa sannadkii 2006-kii sidan oo kale uga dhacay dibadbaxyo dalka oo dhan gilgilay, kaddib markii uu soo daabacay kartoonno Nebi Muxamed lagu afla-gaadeynayo wargeys Denmark kasoo baxa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here