Xukuumada Siilaanyo waxay wanaagii dawladnimo uwada yeeshay Wegdo, Dalbo,tuur iyo tarbiicooyin ummaddu wada daalacatay. Qalinkii A/rahman fidhinle UK

0
1090

Maamulkasta oo xukuumadeed waxaa laf-dhabar u ah guusheeda iyo guul daradeedaย  hadba tacabka,ย aqoonta iyo cududa shaqaale ee hawl-maalmeedkeeda u fuliya, Waxaa shacabku u igmadeen oo u doorteen xukuumada in ay hormood ka noqoto dareenkooda iyo daryeelkaย ย lama huraanka ย u ah horumarinta noloshooda aas-aasiga ah. Hadaba waxaa wax garadka fogaan araga ahi isku raaceen in badankii hawl-wadeenada xukuumadu ay xilalka u-haystaanย in lagu xoogsado oo wax lagu raamsado oo duunyoย lagu lunsado. Waxaana qaar badan naafeeyey tayo xumo, taba-bar laโ€™aan, tamar laโ€™aan iyo saboolnimo. Waxaad arkeysaa qaar soo quturnaa ilaa iyoย xukuumadiiย  marxuum Cigaal ย oo hadanaย  indho yuub ah oo aad moodid in aaney habeen jirin. Waxaa ummaddu wada aragtaa in xukuumada ay ka muuqato qaf-qafleyn, qawda maqashii waxna haw-qaban ,qaybsanaan baahsan iyo qaraabo kiil baโ€™an. Waxaa inataa udheer oo shacabkii wada daalacday nabaro duudsi ah, dhagaro aan bireysneynย iyo surmo seegtooyin aan dhudhun iyo dhumuc lahayn oo hantidii ummadda, kheyraadkii dabiiciga ahaa iyo dantii guud eeย dalkaย  lagu boobaayo, waxaa taana ka sii daran hiiftan, haaraanka iyo hagardaamooyinkaย joogtada ah ee shacabka wadanka lagu hayo.

  1. Xukuumadaย talada haysaaย marna lama ay iman Xirfad iyoย Xarago horumarindeed oo buuranย kadib markii uu hungo qaawan iska noqdeyย  qorshe hawl-leedkii horumarineed ee higsiga qaranka oo isagu ku danbeeyey gole ka fuul iyo dhagxaan meel la dhigo oo aan dhameystir laheyn.
  2. Waxay xukuumadu ku fashilantay in degaanka dalka iyo Bayaโ€™adaย  wax laga qabatoย  maadaama ay Somaliland 30cm ee ciida/ caradaย ugu sareeysaa ay 95% ay nabaad guurteyย  oo nafaqadii nolosha aadanaha iyo ta xooluhubaย ย ku xidhnaayeen ay ka dhamaatay.
  3. Waxay Xukuumadani kuย  fashilantay in ay kab-kabto oo kordhiso baahiyaha aas-aasiga ah ee shacabka sida Biyaha, Leydhka, Caafimaadka, cadaaladaย iyo waxbarashada , taas oo danyartiiย  aaney awood u hayn oo aaney iibsan Karin adeegyadiiย joogtada ย ahaa ee noloshoodu ku xidhnayd oo ilaa garsoorkii noqday.
  4. Waxay Xukuumadaniย  ku caan baxday in aaney waxba falkin, waxba fangarayn, waxba faaleynย laakiinse, caan ku noqotay in ay wax kasta fidmeyso,faquuqdo,feenato ooย fadhataysato taas oo hada faro baas ku haysa dhulkii danta guud ahaaย iyo hantidii maguuraanka aheyd ee dalka oo kala ah mood, mooro,magan, iyo maquunaba.
  5. Waxay si xun ugu fashilantay isku wadidii iyo isku xidhidii ama isku la-maaneyntii labada dhaqan ee siyaasadeed ee isku milmay ee Somaliland qaadatay oo kala ah dhaqanka wadaniga ah oo ahaa isagu dhaxalkii awoow-yaasheen iyo dhaqanka casriga ah ee reer galbeedka inooga yimi ee Dimuqraadiga ah.
  6. Waxay ku caanbaxday cadaalad daro baahsan oo hantidii yareyd ee qaranka shaqsiyaad gaar ah si gaar ah loogu sadqeeyey,ย Lagu naaxiyey oo lagu ilaaliyo oo sheerar iyo shirkado lagula gelaayo.

Xukuumadan jirtaย iyo xulafadeedu waxay khalad ka fahmeen โ€œย Qaran Dimuqraadi ahโ€ Dimuqraadiga oo macnahiisu uu noqonaayo xukunkii dadka ย ama โ€œ Shacabkaโ€ hadaba Dimuqraadigii Somaliland ee uu bishilka iyo bud-dhig u-ahaa Golihii Wakiiladu ee shacabku soo doortay ee u-wakiilka ahaa โ€œ Represantative Democracy โ€œ ayaa waxaa afduubatay oo doc-faruuray Xukuumadii oo ay isku milmeen oo ay dhabarka isu xoqeenย ,ย Taas oo ay badankiiย  Wakiiladu noqdeen kuwo u adeega xukuumada iyo naftooda oo keliya Laakiinse ilaaway in ay u-adeegaan dantii shacabkii doortay ee dirtay.!

Hadaba mar hadii uu sadexdii dhar-dhaar ee xukunka dawliga ahi uu ku fadhiyey ay hal dhar-dhaar oo shuraako ah,wax wada cuna oo isxanbaar ah oo ganacsato iyo shirkadley ah ay wadaย noqdeen . Maxaa magantii iyo maatidii SL u-hadhaaya?ย  Waxaa ย maanta ay maatida Shacabka reer Somaliland ay miciinsanayaan oo ay maganย u yihiin โ€œ Cuqaasha, Culimada iyoย ย Caqli maalka ย Dalka ooย ee caqliga saliimka ka ahย โ€
“Heedhe ma maqli jirteen maxay carartaa cago ma lahee! maxay curisaa ciirsi ma lahee! maxay hurisaa hogaan ma lahee! maxay hinjisaa hab-dhaqan ma lahee! maxay dhagxisaa, dhameystir ma lahee!ย  Halkii ay kaabeyaasha dhaqaalaha kab-kabi lahayd ayeyย  kud iyo kabaxย iyo kabo ka tolanaysaa oo boobaysaa degaladii iyo dantii guud ee dalka. Waxaa sahankeedii,hiraalkeediiย , hirgelin-teedii iyo hal-qabsigeediibaย uu ku soo ururayย  anigu maxaan cunaa!ย  maxaan kireeyaa oo aan shebeg-udhigtaa oo aan sheerar ka helaa iyo boobaay oo yaan waxba la iigu iman.” waana iyaga iyo Allahood” !!

ย Aniga oo yara sariiganaya oo idiin saraya oo sarka xaadinaaya waxaan maanta idiinku soo garoocayaa tixdan yar :

ย Isku hilaneey, Higsi beeneey,ย xisbiyahanada ma xurmaysooy.

Xarbigeedana ย xasabaysooy ย Xoog bilaashliyo xidid xulatooy.

ย Dhiilahaagii kuu dhitaysnaaย dhami wayday’e,ย ha laguu dhuroย 

ย ย Hagar-daamooy, isku hilaneey hamigaagii huguruu galayย ย ย 

ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ——–ย ย  ———-ย ย  —–ย  ——–ย  ———
Waxaad xidhateyna, xigtadaadiyoย  isxanbaar baa kaaga xooriya.

Illaha irmaan iyo ibtoodaba,habaar qabe maal, misna ma hadhsado.

Laaxinkaagii labaciisii kala lulashiyo, lule dheer iyoย Labac uun keen.

Xagal daacina, xaraan quutiyo, xeerarย jebin iyoย xurmo xumo keen.
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  ย —ย  —-ย ย ย ย ย ย  ———-ย  ——–
Xil-magaaguna xukunkaagii,ย ย xajiimeeyoo, xaqsoor daayoo,ย isxurmayn waa.
ย Maad magooline, Mooshin-quutaa maqaar saar iyo maqaam sare helay!
ย Walee Shilinkii Shicibku lahaa Shirkadeysay’eย ย kuma Shaafidid.
Hagar-daamooy, isku hilaneey hamigaagii huguruu galay.
–ย ย ย ย ย ย  ———–ย ย ———–Dhamaad———————–——-
Alleh ayaa mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Wa-laahum-aclum Wa-Bilaahi-Tawfiiq.
Qoraa Madax banaan
A/rahman fidhinle
Senior intensive ED.BD,PA
London- UK

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here