Dibadbax Lagu Taageerayo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo Ka Dhacay Jigjiga

0
936

Jigjiga (Hargeisa Press)- Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka dhacay banaanbax lagu taageerayay Abaal marintii la siiyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed, banaanbaxan oo dadku isugu yimaadeen Garoonka Kubadda cagta ee Jigjiga ayaa waxay dadku wateen calamada degaanka iyo dalka, iyo waliba boodhadh ay ku qornaayeen hal ku dhegyo muujinaya taageerada shacabku u hayaan Abyi Axmed.

Haddaba banaanbaxan ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda degaanka u saraysa sida Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Mustafe cagjar iyo ku xigeenkiisa Adan Faarax, Odayaal dhaqameedka degaanka, Hooyooyin aad u badnaa iyo marti sharaf kale.

Madaxwayne Mustafe Cagjar oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadka maamulkiisa dhaliishan ay imaan karaan deegaanka oo ay doodooda si xor ah Warbaahinta degaanka uga hadli karaan, balse ma aha ayuu yidhi in degaanka meelo ka baxsan laga hadlo maadaama ayna jirin wax dhib ah oo deegaanka ka jirta oo u diidaysa inuu qofku deegaankiisa yimaaddo.

Mar uu ka hadlayay arrinta Gobolka Sitti ee ay dhibaatadu ka jirto ayuu sheegay Mustafe Cagjar in arrintaas dilka lagu hayo Soomaalida ay wax ka qaban doonaan balse ma caddayn siday wax uga qaban doonaan.

Hadallada Madaxwayne Mustafe Cagjar ayaa u muuqday kuwo jilicsan siiba markuu ka hadlayay dhibaatada ka jirta Gobolka Sitti, dadka deggan meelaha ay dhibaatadu ka jirto ee Gobolka Sitti ayaa u baahan gurmad degdeg ah oo dhanka dawladda, balse ilaa iyo hadda ma jirto gacan dawladeed oo dadkaas dhibaataysan la gaadhsiiyay.

Guud ahaan jawigii goobta ee maanta ayaa ahaa mid deggan iyadoo ay ammaanka goobta ay sugayeen Ciidamada gaarka ah ee degaanka oo ay kamid yihiin Ciidanka Kamaandoosta oo si adag u sugayay amniga.

Banaanbaxan lagu taageerayay abaal marintii dhanka nabadda ee la siiyay Ra”iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa sidoo kale ka dhacay degaannada dalka Itoobiya.

 

Hargeisa Press Desk/Jigjiga Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here