Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Oo Sharaxay Addega E-Government

0
840

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaaradda tignoolajiyadda iyo isgaadhsiinta Somaliland C/weli Sheekh C/laahi Suufi, ayaa faahfaahin ka bixiyay isticmaalka adeega cusub ee E-government oo ay golaha wasiirradu Khamiistii hore ansixiyeen.

Wasiirku waxa uu sheegay in nidaamkani uu yahay mid looga faa’iidaysanayo tignoolajiyadda casriga, iyadoo loo raacayo habka elegtarooniga ah, isla markaana wasaarradaha iyo hay’adaha dawladu ay isticmaali doonaan.

C/weli Sheekh C/laahi Suufi, waxa uu tilmaamay in wadamo badan oo caalamka ah waxyaabaha ay inta badan dawladuhu ku tartamaan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen tignoolajiga.

Wasiirka oo faahfaahin ka bixinaya waxa uu yahay adeegan E-governmenta iyo sida loo adeegsanayo waxa uu yidhi “Waa in tignoolajiga loo adeegsado, adeegyadda la siinayo bulshadda. Sida caafimaadka, waxbarashadda.

Waxa kaloo ka mida adeegyadda dawladaha hoose. Waxa kaloo ka mida adeegyadda cashuur bixinta iyo dhamaanba wixii kale ee la xidhiidha, in loo adeegsado tignoolajiga. Weeye E-governance-ka macnaheedu”.

“Waxay u jeedadu tahay in adeegyadda ay dawladu u fidiso bulshadda laga dhigo mid electronic ah. Bulshadaas oo ah dadka muwaadiniinta ah iyo shirkadaha ganacsiga iyo hay’adaha dawladda laftoodaba. In adeegyadaas loo fuliyo qaab electronic ah. taasoo aan ula jeedno in loo adeegsado tignoolajiga.

Si kale hadaan u eegno shirkadaha maanta ka shaqeeya ICT-gu, siiba isgaadhsiintu horumar weyn bay ka gaadheen adeegyadoodda. Waxa u fududeeyayna waa tignoolajiga. Markaa ta aan doonaynaa waxa weeye, taa si la mid ah in ay dawladu uga faa’iidaysato tignoolajiga”ayuu yidhi wasiirka tignoolajiyadda iyo isgaadhsiinta Somaliland oo la hadlay idaacadda VOA.

Waxa uu tilmaamay in wadamo badan oo caalamka ah ay isticmaalaan nidaamka E-government, isla markaana ay warbixin sanadle ah waaxda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa tignoolajiyadu ka soo saarta tiradda dawladaha adeegsaday.

“Wadamo badan ayaa adeegsaday nidaamkan E-government. Waxaana jira wax la yidhaahdo E-government index, oo ay UN-ku soo saarto, waa warbixin sanadle ah. waana waxyaabaha ay inta badan dawladuhu ku tartamaan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen tignoolajiga”ayuu yidhi wasiirku.

Geesta kale wasiirku waxa uu sheegay in barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye ay ku jirtay in la hirgeliyo xukuumad ku shaqaynaysa nidaamka elegtarooniga ah.

Waxaanu yidhi “Waxaa ii raacsan in ay ku jirtay barnaamij siyaasadeedkii uu madaxweynuhu ku galay doorashadda, ee xisbiga Kulmiye ku galay ololihii. Waxaanay ku jirtay tiirka maamul wanaaga. Waxaana ku jiray in la hirgeliyo xukuumad ku shaqaynaysa electronic.

Markaa anagoo ka duulayna aragtidda madaxweynaha iyo siyaasadda xisbiga Kulmiye, iyo qarshaha qaranka eelabaad, ee ay Somaliland leedahay,  ayaanu wasaarad ahaan soo jeedinay curinta”.

Waxa kaloo uu wasiirku ka hadlay faa’iidadda uu leeyahay nidaamkan E-government, waxaanu yidhi “Faa’iidadda uu leeyahay mashruucani la hir gelinayaa, koow wuxuu fududaynayaa helida adeega.

Qofku haddii uu doonayo in uu helo kaadhka aqoonsiga, tusaale ahaan isagoo jooga gurigiisa, ayuu qofku buuxinayaa codsi loo diyaariyay. Codsigaasi ayuu dirayaa, balan ayaa loo qabanayaa.

Waxaa ka mida in qofku isagoo jooga gurigiisa uu biyaha bixiyo, xataa qofku isagoo wadanka dibadiisa ku maqan ama safar ku jira ayuu adeegan lacagta ku bixin karaa. Faa’iidadda koowaad waxa weeye, helida adeeg dalkoo dhan wada gaadha.

E-government wuxuu inaga caawinayaa in dadkan caasimadda ku soo wada ururaya in adeegyadoodii meeshoodda loogu geeyo. Waxa kaloo iyadna ka mida in qofku uu hello xog dhamaystiran”.

Dhinaca kale in adeegyadda ay bixiyaan hay’adaha dawladu looga guuro mid electronic ah waa mid u baahan xirfad, ma hanan karaan wasaarradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda Somaliland in nidaamkaas cusub loo guuro.

Wasiirka ayaa arrintaa sharaxaya, “Mar haddii uu jiro go’aan madaxweyne, waa in laga hirgeliyaa dhamaanba laamaha dawladda. Waanay ku khasban yihiin, ama ha noqoto wasaarad ama ha noqoto hay’ad madax banaan ama ha noqoto xafiis kaloo dawladeed.

Anaga wasaarad ahaan waxaa nalaga sugayaa in aanu la fududayno sidii loo hirgelin lahaa. Markay noqoto kaabeyaal ama qalab wasaarraduhu way haystaan, oo lagu bilaabi karo shaqadda.  Shuruucdana waanu diyaarinay”ayuu yidhi wasiir C/weli.

 

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxa kaloo aanu wasaarad ahaan soo jeedinay in xirfadda da’yarteena kor loo qaado, waxa kaloo aanu soo jeedinay in lagu darro manhajka waxbarashadda ee Somaliland maadadda ICT-ga, oo ay noqoto mid aas aasi ah.

Sida Xisaabta iyo Sayniska iyo wixii la mid ah oo kale. Weliba-na laga soo bilaabo fasalka koowaad, ilaa iyo inta uu dhamaystirayo waxbarashadiisa”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here