Dib U Dhac Ku Yimi Keenista Meydka Guddoomiyihii Hore Gobolka Banaadir Marxuum Cabdiraxmaan Yariisow

0
593

Muqdisho (Hargeisapress)- Waxa dib u dhac ku yimid keenista magaalada Muqdisho meydka marxuum Cabdiraxmaan Cumar Yariisow guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyadoo guddiga qabanqaabada aaska uu sheegay in la keenayo berri oo ah maalinimo Axad ah.

Boqolaal ruux oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa dib uga soo laabanaya iyadoo saaka oo dhana la sugayay keenista meydka.

Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay dib u dhaca hase yeeshee dalka Qadar ayaa ah dal ay xayiraad ku soo rogeen wadamada qaliijka qaarkood.

Sababta dib u dhigtay keenista meydka Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow kuma aysna dhawaaqin guddiga iyada oo ay soo baxayaan in ay jirto cillad dhinaca farsamada duullimaadka ah.

Magaalada Muqdisho ayaa saaka inta badan la xidhay, waxaana Ciidan badan la soo dhoobay Waddooyinka Muqdisho.

Yariisow ayaa waxaa uu Khamiistii u geeriyooday dhaawac 24kii Bishan ka soo gaadhay Qarax ka dhacay aqalka dowladda hoose ee Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 10 qof oo ka mid ahaa maamulka Gobolka Banaadir.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here