IMF oo Sheegtay In Kobac Dhaqaale oo Wali Caqabado Ay Weheliyaan Uu Ka Jiro Soomaaliya

0
549
Muqdisho (Hargeisapress)-  Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegtay in wax soo saarka guud ee Soomaaliya (GDP) uu si is beddel ah ugu dhici karo illaa 2.9 boqolkiiba sannadka 2019 haddii roobab caadi ah ay dib u soo noqdaan dhammaadka sannadkan.
IMF, oo guddigooda dhammaystiray dib u eegista Soomaaliya bishii hore, ayaa sheegtay in kalsoonida ay soo hagaagayso, taaso ka dhalatay isbeddello joogto ah iyo dib u habayn la sameeyay iyo taageero dhaqaale oo caalami ah, gaar ahaan dhinacyada isgaadhsiinta, ganacsiga, dhismaha, iyo waaxaha dhaqaalaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay wallow ay kordhisay canshuurta ay qaaddo sannadkii tegey 30% marka loo eego sannadkii 2017kii ay waxaa aad u yar ku bixiso adeegga iyo daryeelka bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada, iyadoo lacagta inta badan ku bixisa musharooyin, taasoo aan boos u yeelaynin horumarinta bulsho ee loo baahanyahay, sida ay sheegtay IMF.
Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa iminka canshuurta hal gobol oo ah Banaadir, iyada oo aan wali la fadhiisin ammaanka caasimadda.
“In kasta oo ay koboc adag tahay iyo heerka hagaajinta mowqifka maaliyadeed, dakhliga dadka soo gala wuxuu ahaanayaa mid aad u hooseeya waxaana loo baahan yahay ilo badan si loo gaadho adkeyn dhaqaale oo weyn isla markaana hoos loo dhigo saboolnimada,” ayaa lagu yidhi bayaanka IMF.
Hay’addu waxay kaloo warbixinta ku sheegtay in roob yarida Soomaaliya laga cabsi qabo in ay keeni karto saameyn dhinaca cunada ah, waxaa ka mid ah qorshayaasha ay soo bandhigtay sida dhinaca kobaca, GDP waxaa lagu qiyaasay 2018, 2.8 %,2019 2.9 % Qayaastii.

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here