“Caarre Waa Farac Ka Baxay Xisbiga Waddani..” Wasiirka Warfaafinta Somaliland

0
1118

Hargeisa (Hargeisapress)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ku eedeeyey in jabhadda uu hogaamiyo Kornayl Siciid Cawil Caarre ay tahay farac ka baxay xisbiga Waddani. Waxaanu ugu baaqay gudoomiyaha xisbiga Waddani inuu qayb ka noqdo waanwaanta lagu doonayo in lagu soo xero galiyo sarkaalkaasi iyo jabhadda uu hogaamiyo.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriyo oo arimahaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro maalintii uu Finland ka soo ambabaxayey hadaladii uu yidhi Runtii waan ku diirsadoo waxaan is-lahaa odaygii waakaa tuutaha soo xidhoo sidii uu Somaliland u difaaci lahaa heeganka usoo galay.

Laakiin waxaad moodaa Cabdiraxmaan inaan wax badani u kordhayn, Golaha Wakiilada iyo hawshii uu ka hayn jiray waynu ogayn, xeerarkii iyo wixii digada noqday ee la burburiyey ilaa maanta diifteedii ina hayso waan ogayn, marka dibada cidi ka hadasho ama laga weeraro ama wax laga yidhaahdo kow buu ka yahay cida hadasha, waana ta looga baahan yahay mucaaridka xalaasha ah, waana ta looga baahan yahay muwaadinka wanaagsan, dalkaaga u damqo, oo dadkaaga u damqo, oo marka ay arintu taagan tahay meel halis ah oo dibada ah gondahaaga ha eegin, taasaan anigu kugu boorinayaa, waxa lagaaga baahan yahay raganimo, waxa lagaaga baahan yahay badheedhe,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxaanu intaasi ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata “Waa meelaha la eeganayo Cabdiraxmaan sidaan u filayo ee la tirsanayo ayuu malaha ka mid yahay, Kuma lihi reer ahaan baad iskugu tihiin Caarre wax, laakiin waxaan aqoonsanahay inuu farac isaga ka baxay uu yahay siduu ugu damqanayo oo uu ugu hadlayo, waxaan leeyahay hawl wayn baa kaa saaran, odayaashii oo dhan halkaasay joogaan, salaadiintii halkaasay joogaan, haldoorkii halkaasay joogaan u tag, arintaa iyada ah dawlada sidaad wax ugala qaban lahayd taladeeda keen taasaa lagaaga baahan yahay, anigu faysal Cali Waraabe mar walba waan hambalyeeyaa marka uu hadalayo, ha dhaliilo haduu doonayo dawladda, laakiin waxaan ku hambalyeeyaa qaranka ayuu goorwalba garab taagan yahay.” Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here