Dhaqangalka Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka oo Sugaya Saxeexa Joe Biden

0
3855

Washington (Hargeisa Press) – Golaha aqalka odayaasha Senate-ka ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa uu ansixiyay xeer taarikhi ah oo ku saabsan iskaashi caalami ah oo dhexmara Somaliland iyo Mareykanka.

Xeerka iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka ee Golaha aqalka odayaasha Senate-ka ee dalka Mareykanku ansixiyay, ayaa dhaqangalkiisu waxaa uu sugayaa maalmaha soo socda saxeexa Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Marka uu saxeexo madaxweyne Joe Biden, xeerkani waxa uu noqonayaa xeerkii ugu horeeyay ee Somaliland lagu daro ee sharciga Mareykanka tan iyo markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax banaanideeda 1991-kii.

Xeerkan oo ay Gole-weynaha Senate-ka horgeeyeen Guddiga arrimaha dibadda ee Golahaasi, ayaa Goluhu si guud Cod ugu qaaday isla-markaana ansixiyay.

Xildhibaan Jim Risch oo ka mid ah Guddiga Arrimaha dibadda ee Aqalka Odeyaasha Senate-ka Mareykanka oo soo diyaariyay xeerkan, ayaa waxaa hore u ansixiyay golaha Congress-ka Mareykanka.

Waxaana uu xeerkani dhigayaa in Mareykanku uu sahamiyo dhammaan xidhiidhada muhiimka ah ee lala yeelan karo dowladda Somaliland.

Xeerka iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka, ayaa sidoo kale dhigaya in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanku inay sannad walba warbixin ka siiso Congress-ka kaalmada Mareykanku siiyo Somaliland.

Wasaaraddaha Arrimaha Dibada iyo Gaashaandhiga ee dalka Mareykanka, ayuu xeerku farayaa inay muddo lix bilood gudahood ah ugu soo gudbiyo Baarlamaanka suurtogalnimada in la sameeyo iskaashi Mareykanka iyo Somaliland ah, oo ay ku jiraan fursadaha iskaashiga ee arrimaha ammaanka gobolka.

Ansixinta xeerkan, ayaa ah talaabo taariikhi, taasi oo horseedi doonta in Somaliland iyo dalka Mareykanku ay iska kaashaddo arrimo badan, isla-markaana Somaliland ay Dowladda Mareykanka si toos ula macaamisho.

Guddiyada labada Aqalka ee Congress-ka Mareykanka u qaabilsan Adeegga Ciidamad, ayaa bore u baahiyay qoraalkii ugu dambaeeyey ee Oggolaanshaha Difaaca Qaranka (NDAA) ee misaaniyad sannadeedka 2023.

Waxaa ka mid ah go’aamadan farriin taariikhiya oo ku jirta qaybta 1,275 oo dardar-galinaysa in la helo iskaashi adag oo Mareykanka iyo Somaliland dhexmara.

Go’aankan ay soo saareen Guddiyada labada aqal ee Congress-ka Mareykanka, ayaa daba socda booqashadii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalka Mareykanka.

Hoos ka akhri waxa uu Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka Mareykanku ka yidhi Somaliland:

1. Wuxuu amrayaa; in Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Waaxda Difaaca ee Mareykanka iyo USAID inay Congress-ka u soo gudbiyaan warbixin sannadle ah oo ay ku faahfaahiyaan kaalmada, wada shaqaynta diblomaasiyadeed iyo amni ee Somaliland.

2. Wuxuu amrayaa; Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Waaxda Difaaca ee Mareykanka inay soo saaraan daraasad ugu dambayn bisha Juun 2023 oo ku saabsan fursadaha kor loogu qaadayo iskaashiga amniga ee u dhexeeya Mareykanka iyo Somaliland.

3. Wuxu si cad u kala soocay Somaliland iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya.

Waxa xusid mudan in tallaabadan ay qaybo aqalka labadiisa dhinac ahi isla handaafiyeen, in ay furtey waddo cusub oo u fududeyneysaa in ay si ballaadhan u wada shaqeeyan Mareykanka iyo Somaliland.

Hadaba Sidee ayay Somaliland halkan ku soo gaadhay?

1. Wada-hadal joogto ah oo mihnad leh oo aynu la yeelanayno labada dhinac ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga, kuwaas oo lagu qanciyay mudnaanta waxaynu doodayno.

2. Xeerka iskaashiga Somaliland ee labada geesoodka ah (S.3861), oo bishii March ay soo dejiyeen, ChrisVanHollen iyo SenatorRounds, kuna biiray SenatorWicker ka hor inta aanay Guddida Xidhiidhka Dibadda ee Guurtida u ansixin bishii June. Somaliland si aad ah ayay ugu mahadnaqayaan dhamaantood, gaar ahaana SenatorRisch iyo hoggaanka uu muujiyey, inay bilaabeen dedaalkii lagu aqoonsanayo qiimaha Somaliland in ay Mareykanka u noqon karto saaxiib istiraatiijiya

3. Wax ka bedel uu sameeyay Rep. Chris Smith oo lagu daray Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka oo aqlabiyaduhu ogolaadeen. Waxaan si mug leh ugu mahadcelinaynaa hoggaaminta mudada dheer ee Rep. Smith muujiyey si loo hormariyo xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland.

4. Dedaal guuleystay oo u sameeyay RepVeasey, oo luuqadda warbixinta ku soo jeediyay hagitaankii Guddiga Aqalka Sare ee Adeegyada Qalabka Sida oo ku amraya DeptofDefense in la sahamiyo meelaha uu ka dhalan karo iskaashiga amniga ee suurtagalka ah.

Maxaa xiga? Ka dib markii ay Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka meel mariyeen Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida, waxa uu tegi doonaa miiska Madaxwaynaha Mareykanka si uu u saxeexo oo ay sharci u noqoto. Marka la saxeexo, Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka waxay noqon doontaa tixraaca koowaad ee Somaliland ee ka tirsan xeerka Maraykanka tan iyo intii aan xornimadeenii dib u soo ceshanay 1991-kii.

Muwaadiniinta reer Somaliland, oo badankoodu taageeran MMareykanka saaxiibo iyo qoysasna ku leeyihiin Maraykanka, waxay muddo dheer sugayeen aqoonsi noocaas ah oo ay ka helaan Maraylanka. Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka wuxu si weyn u horumarinayaa iskaashiga Somaliland ee ay la leedahay Maraykanka. Maanta waxaynu dhignay taariikh lama ilaawaan ah oo baal dahab ah ka geli doona xasuusaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here