Ujeedka Kulan Dhexmaray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada

0
1978

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta waxaa uu kulan xaasaasi ah la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid amni oo loogu diyaar garoobayo Diiwaangelinta kaadh qaatashada muwaadiniinta Somaliland, ee dalka ka qabsoomaysa 28-12-2022, sida ay Guddiga Doorashooyinka Qaranku iclaamiyeen.

Kulankan oo ka qabsoomay Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland, waxaa lagu falanqeeyay sidii loo adkayn lahaa Amniga guud ee dalka iyo sidii ay Ciidamada kala duwan ee Somaliland u sugi lahaaheen amniga goobaha Diiwaangelintu ka dhacayso oo ah 176 goobood oo ka mid ah 23-ka Degmo Doorasho ee dalka.

Kulankan Guddiga Amniga Qaranku ugu diyaar garoobayaan Diiwaangelinta ee uu shir gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sareeye Guuto Axmed Hurre Haariye, Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdi Xasan iyo Saraakiil kale.

Si kastaba, Dowladda Somaliland, ayaa diyaarisay Ciidamada ka qayb qaadanaya Diiwaangelinta Kaadhka Qaadashada Codbixiyeyaasha, iyadoo dhinaca kale waxkasta oo Xukuumadda ka saaran Diiwaangelinta ay diyaar ka tahay.

Waxaa kale oo guul taariikhiya ah in Xukuumadda uu Hogaaminayo Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ay Miisaaniyadda Qaranka ka bixisay lacagta ku baxaysa Diiwaangelinta100%, taasoo aan cid kale gacan ka gaysan, taasoo muujinaysa sida Madaxweynaha Qaranku ugu go’antahay in Somaliland ka gaadho isku filaanshiyo.

Taariikhda waa markii ugu horeysay ee Xukuumadda talada haysaa ay bixiso 100% kharashka ku baxaya Diiwaangelinta iyo Doorashooshadii ugu danbaysay ee isku sidkanaydna ay Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ay bixisay 70%, taasoo ah guul wayn oo Qarankani gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here