Diyaarad Siday Gargaar oo Ku Burburtay Magaalada Beledweyne

0
1202

Beledweyne (Hargeisa Press)- Warrarka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in diyaarad siday gargaar ay ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne.

Gargaarkan ay diyaaradu siday ayaa waxaa loogu talagalay dadkii ay saameeyeen fatahaadihii gobolka ku dhuftay.

Diyaarada oo ka tagtay dalka Jabuuti ayaa shaqaalihii saarnaa oo saddex ahaa laga badbaadiyay, sida uu sheegay taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan Korneyl Cabdillahi Muuse.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay burburka diyaaradda oo dooneysay inay cago dhigato garoonka balse dhacday dabadeedna uu dab ka kacay.

Wixii faah-faahin ah waan idiin soo gudbin doonaa….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here