Dhaliillayaasha iyo dhegaystayaasha Somaliland! Qalinkii : Cabdicasiis Ibraahin Ciise ‘Daacad’.

0
943

Waagii u beryay siyaasaddii cakirrantay geeridii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (AHUN) ka dib, waynu af go’nay oo aynu aabbayaasheen fuudka la cabnay.

Waxa soo ifbaxay fashilaad ba’an oo xilkasnimo u badan, kaas oo ku habsaday dhulka nabadda u saaxiibka ah ee Soomaalilaan. Waxaa qabsaday siyaasaddii iyo majarahii maamul iyo maamul wadaag ee Soomaalilaan rag aan ri’ gees weligood ka tuurin oo faan iyo tookh ula kala baxay dhegaha dadweynaha iyo indhahoodaba. Sababta dhalisay taasna weli jawaab waan u la’ahay bulshadana waan ka qancin la’ahay.

Muddooyin aad u tiro badan ayaa waxaa la fasahaadiyey dhammaan goobihii warbaahinta, iyadoo loo adeegsaday codkii shacabka ee ka bixi jiray mid reerreed oo nin walba afka uu doono labadii ula kala bixi kara. Tan oo abuurtay awood sheegasho iyo mija-haboow ku habsaday qaab maamuleedkii siyaasadeed ee waddanku lahaa. Muddo ku dhaw 10sanno ayaan la dhego barjownay hebel waa kan, iyo waa keer aan afka dhaafsiisnayn. Waxa aanu ku sabasab-dhawnay qaab u hadalka mucaarid iyo ka muxaafid ee ka dhex alloosan ragga dawanka siyaasadeed ruxaaya. Marka aad is tidhaa xoogaa fahankaaga u raarici adeegga siyaasadeed ee ay ku dhisantay Soomaalilaan waxa aad ku maax-dumaysaa labadan dhambalan ee dhegaha is haysta ee mucaarid iyo muxaafid isku shaadh eeganaya. Yaab iyo amakaagba way dhalisay sida leexsan iyo hanka ku jira siyaasi is moodka aan bulshadiisa iyo waddankiisa toona aan u tudhayn. Hiirraalkii caddaa ee bulshada waxay ku ciirraamiyeen han gaaban oo ah : kannaa sidan ah iyo keer kalaa sidan ah.

Marka aad taariikhda baalka leh dib u milicsato waxaa kaaga soo baxaya beejajkii halgan ee siyaasiyiintii waddankani dhidbay iyo heerka ay tusmaysanayeen kadib intii aanay god gelin.

Waxaan aad u xasuustaa dadkii aan dheef iyo dhuuni ku iibsan jirin dhulkooda iyo sharaf dhacanta oo ay dadkooda ku liidaanba. Raggii dheecaankooda nafeed iyo mid aqooneedba u huray calankan korkeenna waynu hilmaamnay oo waxaa inoo muuqday dhuuni raadiyihii sharafka ummadda dheefsaday. Markii aynu maanka iyo maskaxda ka saarnay daryeelka halyeygeennii dhibtooday, markii aynu maanka ka saarnay islaanta agoonta u miciinta dhuunnigana u soo saarta ayaa waxaa inagu habsaday qaylo-dhaan dhiig-miirato oo si badheedha ah u hunguri gadaya kursiga ummadda dhididkooda lagu dhalaaliyo.

Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee, dhammaan intii qalbiga iyo qoloftaba ugu geeriyootay qaranka awgii waxa aan maanta leeyahay maahmaahdii ahayd “HALKUU AAR KA KACO, ATOOR FADH-FADHIISAY”, waxa aan idinka tacsiyaynayaa maytiyahay in qarankaad u god gasheen iyo hankiisii maanta god madoow lagu hubsaday, oo uu nin aan han, himilo, higsi iyo hiirraal toona aan lahayni uu dhulka jiiday sharafkii aad noo hagoogteen. Taanu daaqaynana maanta Ilaahay ayaa ka arriminayee, qawdhanka iyo qallaadka qabyaaladeed waydun karahsaan warkeeda. Samata-bax Ilaahbaa laga helaaye, waanu ducaysanaynaa geesiyadayadiiyoow.

Maanta waxa aanu kala saari la’nahay ‘Dhalliilayaasha’ rabitaankooda aan dhaafsiisnayn kursi hunguri ku hodayo, waxa kale oo aan fajacsanay weli may soo marin ummad dad laba garab ah oo noocan ahi, ilaa aan maanta la kowsado mooyee!. Waxa iyagu aan dabyar shidayn ;Dhegaystayaasha’ aan warka ka gurayn, ee hadday u warceliya is yidhaah daanba hanjabaad iyo awood tusaalaynta gelaya. Ninkii han lahaayoow hoog!, maantay maraysaa in dantii dadweynuhu ku dhex baxdo afka qabqableeye qabyaalad mooyee aan qawl kale ku meel mari karayn. Caloolyoow maxaa inagu ceeryaansan marka aad adduunka iyo horu-socodkiisa la jaanqaaddo ee aad hadddana yar halacsato dharka aad xidhantay ee jarqinka iyo hunka u badan, cid ku daryeesha iyo cid ku danaysana aanad hayn. Waxa ehel ii noqday maskax waayeel oo gudhan iyo maan da’yar oo meelaysan. Dhexdoodana aan ku aabbe iyo walaalba beellay.

Kolba waxaa magli laygu ganay igu gu-gu-jinaya mid baas oo dhaymo i siinaya haddana aan ogayn inuu dhaawaca i haystaba isagu ka beerraya uu yahay. Wuu ogyahaye malaa si qudh xumo ah hakaga agguugto ayuu ku taamayaa. Ilaahoow taada!. Kolba dhaliil ayey sheegayaan oo ay eed uga dhigayaan masuul ay wax wada qabsi iyo is taakulayn isu ballansadeen. Masuulkuna mid maahee xilkiisa iyo xakamihiisa kama soo bixi karaayo. Marmar baad is odhanaysaa malaa in la doortaaba may mudnayn. Istaaqfurulaah!, yaanan ku dambaabin intaan liidashadiisa sheegayee ummaddu way ba’day markii hadhka calanka lacag iyo laaluush looga dhigay. Waddan aan ummaddiisu waxba ku qabin dheef iyo dhidid toona oo shilinkeeda lagu af gembiyo duni kale waa ii kan. Xisaabtan sharci iyo qaddarin dastuur midna malihi oo kuma dhaqmo, xeer jajab iyo xakame kalena iskaba illow.

Waydiin ayaan qabaa ah :

Hadmaa laga baxayaa sidan liidata ee darxumada iyo diir naxa aan lahayn? Hadmaa laga guurayaa sharci gacan ku samaysadkan oo kaynu wada jirka u dhiganay lagu taami doonaa? Hadmuu mucaarid xilkiisa iyo xulashadiisa garan? Hadmuu muxaafid ummadda iyo arladaba u tudhi? Mooyi!, idinkaa warcelintooda nala wadaagi ummaddu yaabtaye!.

Waxaan ku gunnaanadayaa tixdii Maxamuud Tukaale ee ahayd :

Haddaan laysku duubnaan

Danta guud mid laga noqon

Dar Ilaahay loo socon

Degi maayo reerkani.

 

Qalinkii : Cabdicasiis Ibraahin Ciise ‘Daacad’.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here