Hogaanka Isbahaysiga Mucaaradka Oo Mudaharaad Aamusnaan Ah Kaga Dareen Celiyay Muranka Muddo Kordhinta

0
793

Hargeysa, (HargeisaPress) — Hogaanka asxaabta mucaaradka ah ee Somaliland iyo madasha wadatashiga ayaa maanta shir albaabadu u xidhan yahay ku yeeshay magaalada Hargeysa.

Kulankaasi markuu dhammaaday oo la filayay in masuuliyiintani saxaafadda iyo bulshada u sharaxaan wax yaabaha ay ka wada hadleen ayay sheegeen inay maanta dareenkooda ku muujinayaan aamusnaan.

Masuuliyiintan oo markii shirkooda gaarka ah ay dhammaysteen saxaafaddu u gashay hoolka ay ku shirayeen, waxaanay masuuliyiintu sheegeen inaanay maanta waxba ka odhan doonin muranka doorashada, sidoo kalena aanay kulankoodan sharaxaad ka bixin doonin.

Kulankan waxaa uga qayb galay Xisbiga Waddani Guddoomiye xigeenka 1-aad Axmed Muumin Seed, xoghayaha guud Mr Uurcadde iyo xubno kale, xisbiga Ucid waxaa hogaaminayay musharax Jamaal Cali Xuseen iyo kuxigeenkiisa, halka Madasha wadatashigana ay hogaaminayeen Guddoomiye Xasan Guure Jaamac iyo Eng Maxamed Xaashi Cilmi.

Madaxdan Isbahaysiga Mucaaradka ayaa saxaafaddu ka duubtay Muuqaalo aamusnaan ah iyo sawirro ay aamusnaan ku galeen, waxaanay muujinaysaa arrintani siday uga niyad jabeen Xukumadda Siilaanyo oo wali talaabo ka qaadi la hirgalinta heshiiskii asxaabta iyo Xukumadda ee ahaa in December 2016 dalka doorashooyinka madaxnimo iyo barlaanka laga qabto.

Mudaharaadkan aamusnaanta ah ee Isbahaysiga Mucaaradka ayaa imanaya maalmo uun kadib markii ay wada jir labada xisbi mucaarad u soo saareen bayaan ay Madaxweynaha kaga dalbadeen inuu hirgaliyo heshiiska Asxaabta iyo xukumadda ee guurtidu is hortaagtay ka hor 20-ka bishan haddii intaas xukumaddu ku jawaabi waydana ay yeelan doonaan shir ay arrimaha socda go’aan kaga gaadhaan.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here