Degmada Arabsiyo Way Ka Kortay Qabyaalad Iyo Qof Jeclaysi Qallinkii: MOHAMED ABDI JAMA DHIMBIIL

0
1178

Dadka degan deegaanka arabsiyo waa dad is ah oo isku tabasho ah oo isku dan ah hadii aan meel looga soo wada jeedin baahiyaha iyo wadajirka umada tafaraaruqu waxba keeni mayo ninka siyaasiga lagu yidhaa waa geed is maris oo hadba cid buu isku soo eekaysiiyaa ee yaan la idinkala qoqobin oo aan la idinka danaysan ee maanta ku gorgortama waxqabad iyo horumar.

 

Waxa aanan ku amaanayaa isku duubnida iyo wada jirka ay waligood meel wada mari jireen

Hadaan usoo noqdo ujeedadayda hadalka waxa baryahanba ka jira degmadayda arabsiyo hirdanka axsaabta qaranka oo aad uga muuqda warbaahinta dalka, horta axsaabta qaranku waa kuwii Somaliland waxaana loo sameeyay qofkasta oo muwaadin ahi in uu xisbiga uu doono galo ee uu is yidhaa waxbuu kuu qabanayaa ama barnaamijkiisa iyo mabda iisa siyaasadeed uu ku qanco.

Arabsiyo waa degmada Hargeisa ugu dhow waana degmada ugu wax qabad liidata

KULMIYE MUXUU UGA MASAYRAY IN ARABSIYO KU BIIRTO WADANI

In dadka reer arabsiyo kulmiye ka baxaan maxaa sababay?

1-Waa suaal iswaydiin u baahan jawaabteeduna ay tahay arabsiyo waxa ay ka aradan tahay dhamaanba waxqabadka xukumada Ahmed Mohamed Mohamoud siilaanyo ku faanto ee ay dalka u qabatay, arabsiyo waa dad beeralay ah oo xoogsada dalka intii siilaanyo haystay mashaariicda beeraha ee Aburiin, Allaybaday,Beer,Qabribaxar iyo deegaano kale oo ay ku baxeen malaayiin dollar oo ilaa hadana ay socdaan mashaariicdaasi oo isugu  jira  biyoxidheeno iyo horumarinta beeraha waxba lagama siin faro madhan ayey ka joogtaa lana garan mayo waxa ay ku mutaysatay.

 

2-Dadka degan arabsiyo waxa sidoo kale ay ka qatan yihiin xilalka xukuumada madaxwayne Ahmed siilaanyo magacaabo, waligoodna afkooda kamay soo yeedhin cabasho iyo in ay ka hor yimaadaan dawlada ee fursadooda ayey la sugeen oo bariba iyagoo cod u baahan ayey idiin imane iska suga ayey yidhaahdeen .

 

3- Waxa kale oo uu ugu soo biiray in xilalka gobolka gabiley aanay waxba ku haysan aan shaqsiyaad iyagu danaystayaal ah oo aan matali Karin waxna u qaban deegaanada ay ka soo jeedaan maalina aan tabashadooda dib u eegin.

4-Waxa intaa u raaca in dadka Arabsiyo ay ka madhan yihiin xilalka xisbiga kulmiye golihiisa dhexe iyo kan  gobolka gabiley waana markii ugu horaysay ee taasi dhacdo iyada oo aanu ognahay in uu  dadka magacaabay muuse biixi oo aanay aqoon daro ka hayn arabsiyo iyo deegaankeeda ee ay cadahay in uu ka maarmay.

5-degmada arabsiyo cusbitaal ma leh, gaadiid caafimad ma leh,degmadeedu gaadiid malaha xafiisyo malaha, wasaaradaha dawlada iyo hay’adaha dawladu xafiisyadoodii kama shaqeeyaan marka laga reebo wasarada maaliyadda oo iyadu cashuurta ka qaada se aan waxba lagu soo celin. Waxbarashada ayaa waxogaa ay ka qabatay markii Samsam Cabdi Aden wasiirka ahayd, hadii aad magalada gudaheeda marto waxa aad ka naxaysaa nooca ay u eekaatay waxba kamay qaban dawlada hoose oo aan awood dhaqaale lahayn kabna aan ka helin dawlada hoose ee gobolka gabiley ee ay ka tirsan tahay iyo dawlada dhexe ee Somaliland si wax loogaga qabto wadooyinkii magaalada oo burburay iyo agabyadii nadaafada, waxsoosaarkii beeraha oo yaraaday markii biyihii fogaadeen dawladuna aanay biyo qabatino u samayn taakulo kalena aanay siinin.

 

Gunaanadka qoraalkayga waxa uu yahay xisbiga kulmiye wafti ayuu arabsiyo usoo diray waftigaasi waxba muuqda halkaa kamay sheegin in arabsiyo loo qabanayo ee waxa ay yidhaahdeen barnaamijkii xisbiga ayaanu soo saari doonaa waxaaba aad moodaa in ay ahaayeen xisbi mucaarid ah oo talada soo hiigsanaya laakiin waxa ay iska indho tirayaan diidayaana dhaliilaha xukumada kulmiye ee degmada arabsiyo qabto ,waxaa halkaa ka hadlay agaasimaha boosaha iyo isgaadhsiinta arabsiyo wuu dhashay laakiin faysal arabsiyo war uma hayo waxa ay qabto iyo wax loo qabtay toona isaga xataa xilka loo dhiibay waa madaxgeel, maantana waxa soo diray muuse biixi oo yidhi tag adiguba reer arabsiyo ayaad tahaye , hadii arabsiyo ku biirtay xisbiga mucaaridka ah ee WADANI waa mid ay sax ku yihiin marka ay jiraan intaa aan soo sheegay oo dhami.

 

Waxaana aan idinkula talin lahaa cidna qabyaalad ha ku raacina iyo nin jeclaysi , dalku waxa uu isku dhaafay horumar iyo waxqabad ee  xisbigii aad dan moodaan ee wax idiin qabanaya raaca sadexdaa xisbi qaran ee dalku leeyahay.

 

ALLAA MAHAD LEH

MOHAMED ABDI JAMA DHIMBIIL

hormood@hotmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here