Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Xidhiidhka Ka Dhaxeeya Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya

0
779

Addis ababa, (HargeisaPress) —Dawladda fedaraalka  Itoobiya,  ayaa  ka hadashay iskaashiga ka dhaxeeya dalkeeda  iyo Somaliland,  gaar ahaan dhinacyada horumarka iyo waxbarashada, sida ay baahisay wakaalada wararka Itoobiya ee ENA oo aanu warkan ka soo xiganay.

 

Sida uu  sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom,  oo Jimcihii shalay  la kulmay Wasiirka Khaarajiga  iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre oo  socdaal shaqo ku jooga  Magaaladda Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom, waxa uu kulankaa ka sheegay in wax wada qabsiga qotodda dheer ee dalkiisu la leeyahay Somaliland la sii xoojin doono gaar ahaan dhinacyada   nabadgelyadda, lana sii balaadhin doono horumarka iyo waxbarashadda.

 

Wasiir Dr. Tedros, waxa uu ku dooday cilaaqaadka Somaliland iyo Itoobiya ay ka soo bixi karaan natiijooyin wax ku ool ah oo ku wajahan inay Mandaqaddu ku tallaabsato himilooyinkeeda horumarinta.

 

Dhinaciisana Wasiirka Arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah  ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, ayaa  si weyn u soo dhoweeyey iskaashiga ay Itoobiya la leedahay Somaliland, waxaanu Itoobiya uga mahad-naqay sida ay uga go’an tahay inay iskaashiga labada dhinac sii balaadhiso.

 

Dr Sacad Cali Shire waxa kale oo uu intaas ku daray  in Itoobiya iyo Somaliland ay si wada jir ah uga wada shaqaynayaan sii xoojinta iskaashigooda iyadoo aasaas looga dhigayo maslaxadda labada dal.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here