Dayactir Lagu Samaynayo Jidka Geel-door Ee Isku Xidha Laasqoray iyo Badhan

0
555

Badhan (Hargeisa Press): Xukuumadda Somaliland ayaa hawl gal dayactir iyo dib u hagaajin ah ku samaysay jidka isku xidha loo yaqaano Geel-Door oo xidhiidhisa degmadda Badhan iyo magaallo xeebeedka Laasqoray.

Jidkaasi xidhiidhiya Laasqoray iyo Badhan ayaa qiyaas ahaan gaadhaya 90 KM, kaasoo ah mid Raf ah oo aad u adag.

Waddada Geel-door ayaa muddooyinkan danbe u xidhnayd waxyeelo ka soo gaadhay roobab mahiigaan ah oo degaankaasi ka da’ay.

Waxaanu hakad geliyay xidhnaanshiyaha jidkaasi isku socodka magaalooyinka Badhan, Laasqoray, degaamadda Cal-madow iyo meelo kale.

Dayactirka lagu samaynayo jidka Geel-door oo hadda gebogebo maraya waxaa gacanta ku haysa wasaaradda horumarinta jidadka Somaliland oo kaashanaysa shirkadda dhismaha ee Sankok.

Kormeer uu ay ku qiimaynayeen hab-sami u socodka dib u habaynta jidkaasi waxaa ku soo maray guddoomiyaha Badhan iyo qaar ka mida ah waxgaradka degaankaasi.

Halkan Ka Daawo Kormeerkaasi iyo Hadaladii Waxgaradka:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here