Dawlada Jabuuti oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Eedihii Faysal Cali Waraabe

0
932

Hargeisa (Hargeisa Press)– Wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye ayaa dhibsaday hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo uu sheegay inuu madaxweynaha Jabuuti cadow ku yahay Somaliland.

Xuseen Kawaaliye ayaa sheegay in Faysal Cali Waraabe kala dilayo labada shacab ee Jabuuti iyo Somaliland,isla markaana ay xukuumadda Somaliland ka sugayaan jawaab ay kaga hadlayaan hadalkaasi gudoomiye Faysal.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay hadidi uu ka waantoobi waayo cayda iyo aflagaadadda uu ku hayo madaxweynaha Jabuuti ay iska celin doonaan.

“Faysal Cali waraabe mar walba waxa uu caayeyaa Jabuuti, Aflagaadada uma dul qadanayno jawaabtaadana waxaan ka sugaynaa madaxweynaha Somaliland iyo xukuumada Somaliland, waayo shakhsi iyo xisbi uma jawaabno oo lama sheekaysanno, hadaad si fiican u hadli waydo oo cayda joojin waydo waanu iska kaa celinaynaa.”ayuu yidhi wakiilka Jabuuti u fadhiya Hargeysa, Xuseen Kawaaliye.

Sidoo kale, waxa uu gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey inuu fidmo kula jiro labadda shacab, isla markaana uu kala dilayo shacabka Jabuuti iyo shacabka Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay inuu caadaystay cayda jabuuti.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here