Darajadaan Geeska DHeernahay Mudaan Danbarkeeda Maalnee, Tolaw Miyey Damal Tahay Mise Wey Dagen Tahay. W/Q: C/Raxmaan Sayid Faarax (Jeesto) Qaybtii 1aad.

0
818

Qoobadaan  Ku  Nool   Nahay  Buqcadaa  Yar  Ee  Irmaan  Ilhaamka  Rabbiyo  Ku  Socota  Nimaadyadaa  Mawluhu  Ugu  Talagaley  Ayaa  Waxa  Ku  Duugan  Macnoyaal  Fara  Badan,  Darajooyin  Qiima  Leh,  Sooyaal  Mucjiso  Ah,  Taamilooyin  Wax Ku  Qaadasho  Mudan,  Tiirar  Adag  Iyo  Tubaha  Lagaga  Badbaado  Maalmahay  Tuludu  Weecato,  Qiimaha  Is  Maqalka,  Wada  Tashi  Midho  DHalkii,  Iyo  DHamaan  Waxyaabo  Kaloo  Aad  U  Qiimo  Badan.

 

Ayey  Laabtaydu  Dihatey  Inaan  Culuunta  Iyo  Cibaarooyinka  Ku  Jira  Aan  Ku  DHiinijiyo  Dawaada  Isla  Markaana  Ay  Mustaqbalka  DHaw  Iyo  Ka  Fogba  U  Noqoto  DHaxal  Amaba  Sooyaal  Aynu  Ku  Faano  Oo  Fucaada  Iyo  Jiilasha  Kala  Danbeeyaa  Ay  U  Gartaan   Qiimaha  Ama  Milgaha  Taariikhdooda  Ooney  Is  Garanwaayin,  Maadama  Marka  Ay  Umadi  Dooneyso  Iney  Is  Ogaato  Waxay  Tahay ( Lab ka)  Ay  Isu  Baadhaysaa  Waa  Sooyaalkeedii.

 

Ku  Darsoo  Waxaynu  Nahay  Umad  Ahaan  Umad  Hodana  Oo  Qaniya  Ilaahey  (SWT)  Ku  Maneystay  Hibooyin  Badan  Oo  Manfac  Iyo  Macnoba  Ay  Ku   Dheehan  Yihiin,  Sidaa  Awgeed  Waxa  Lagama  Maarmaan  Ah  Inaan  La  Jaanqaadno  Dunida  Oo  Aan  Samaysano  Kayd  Laynoogu  Soo   Hagaago  Umad  Ahaan  Iyo  Jiritaankeenaba, Waxyaabaha  Casrigan  Laysu  DHaafey  Bay  Rukni  Muhiima  Ka  Ciyaartaa  Taariikhdu.

 

Yadoo  Ay  Jirto  Xaqiiqooyin  Badan   Oo  Laga  DHeehan  Karo  Macnaha  Sooyaalku  U  Leeyahay   Dalalka  Iyo  Halkuu  Kaga  Jiro  Darajo  Ahaan,  Hadaba  Waxa  Xusid  Mudan  Inaan  Is  Xasuusino  Xilka  Inaga  Saaran  Inaan  Ugu  Gurmano  Bulshadeena   Dawaada  Ama  Qalinka  Maadama  Ay  Nahay  Umadaha  La  Yidhaahdo  Bulsho  Afeedyo  (Oral  Socaity),  Waa  Ineynu   Faa,iidayno  Oon  Raandhiis  Yar  Reebno.

 

Guniyo  Gunaanadka  Ararta  Waxaan  Ku   DHaafi   Lahaa  Ibo-furka  Qoraaladan  Taxana  Ahi   Waxay  Jaleeci  Doonaan   Mucjisooyinka   Iyo   Darajooyinkii  Inaga  Duugnaa  Sida  Aynu   Uga  Faa,iideysaney   Iyo  Sida  Aynaan  Uga  Faa,iideysan,  Waxa  Kaloo  Yadna   Xuseynaa  Bal  Heer  Noocee  Ah  Ayaynu  Taagan  Nahay  Mid  Midho  DHalaya  Iyo  Mise  Mid  Dhicisa.

 

DHinaca  Dawladnimada   Iyo  Nidaamyada   Kala  Duwan  Ee  Lagu  Qiimeeyo   Horumarka,  Dib  U  Socodka  Amabase  Maxaa  Wacey  Darajooyinka  Aan  Gaadhey,  Iyo  Waliba  Kuwa  Aynaan  Gaadhin  Ee  Heerarkeena  Ka  DHiman,  Waxyaabaha  Macquulka  Ah  Ee  Ku  Jira   Xayndaabka  Raandhiiska  Isla  Markaana  Lagu  Rayey.

 

 

La Soco……………..

W/Q: C/raxmaan  Sayid  Faarax  (Jeesto)

Diplomatic  Annalysts

Gabiley:Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here