Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Si Duur Xul Ah Uga Dhawaajiyay Inuu Yahay Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga UCID Iyo Fariin Uu U Direy Bulshada Ceerigaabo

0
853

Ceerigaabo, (HargeisaPress) —Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ku sugan magaalada ceerigaabo ayaa maanta si duur xulla u shaaciyay inuu yahay musharaxa sanadkan u tartamaya jagada madaxwayne ee xisbiga UCID, waxaana uu sheegay inuu laba jeer ooh ore ku guul daraystay balse sanadkan uu bulshada gobolak sanaag ka doonayo cod hadii uu musharax noqdo.

 

Waxaana uu gudoomiyuhu arinkani ka sheegay munaasibad uu bulshada magaalada ceerigaabo ugu qudbadaynayay,isaga oo farina u direy xisbiga KULMIYE Iyo WADDANI oo uu sheegay inay diiwaangalinta ka daayaan ololaha.

 

Waxaana Faysal Cali Waraabe uu yidhi sida tan.

“Horta markan alle ayaa mahad leh isku keen keenay,aniga magaaladan waxa iigu danbaysay maalintii aan diyaarada idinku imi ee aan islahaa codbay ku siinayaan,maalinkaas halkan ayaaan ka qudbadeeyey xataa waxaan idin sheegay inaan halkan ku soomayo hadii aad I doorataan, waxaan leenahay xisbiga joojiya adeerayaal magaalada khiyaaliga ka joojiya,qabqabta ka joojiya deg deg usoo baxaay joojiya, isa soo tusa joojiya waa laysku yaabaa maalinka codaynta ayaa lakala bixi doonaaye waa la shubi jiree shalaad dhalateene, imisaad isoo baxdeen fardo igu soo doonateen m codbaad isiiseen may dee cod imay siin ceerigaabo doorkan laakin waan idinka fadhiyaa insha alllah, odayga mar saddexaadka ha ridina hadii alle yidhaa oo aan musharax noqdo, waxaana u malaynaya inaad xishoon doontaan oo cod isiin doontaa insha alllah barasho wanaagsan insha allah nabad ayay ku dhici doontaa doorashadu”Sidaaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

 

Si kasteba ha ahaatee hadalkan maanta kasoo yeedhay gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ah mid ay maanta aad u hadal hayeen bulshada magaalada ceerigaabo,sidoo kalena waxa uu sheegay inuu yahay musharax madaxwayne ee  sanadkan doorashada uga qayb galay xisbiga UCID,hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaaf ka dhex jiro xisbiga kaais oo aan ilaa hada la garanayn meel uu sal dhigan doono.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here