Dagaal Xoogan oo Markale Ka Dhacay Magaalada Laascaanood

0
2901

Laascaanood (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool, ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka markale dagaal xoogan uu ka dhacday magaalada.

Dagaalkan ka dhacay magaalada Laascaanood, ayaa waxaa uu u dhexeeyaa Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Kooxo Argagixiso ah.

War qoraal ah oo ay Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland ay soo saartay, ayaa waxaa ay ku sheegtay in maalintii saddexaad weerar lagu soo qaaday Ciidamada Qaranka Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa waxaa ay sheegay in Ciidamada Qaranka Somaliland ay iska difaaceen weerarkaas ay soo qaadeen Kooxo Xagjir ahi.

War qoraal ah oo ay Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland ku baahisay Bogeeda Facbook-ga, ayaa waxaa ay ku sheegtay in labadii maalmood ee la soo dhaafay in kooxo xagjir ahi ay soo weerareen fadhiisimada Ciidamada Qaranka Somaliland ee magaalada Laascaanood.

“Maalintii saddexaad oo xidhiidh ah ayay kooxaha argagaxisadu weerar ku soo qaadeen xeryaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan fadhisimada ciidamada, waxa aanay ciidamadu ku jiraan difaac”. Sidaa ayaa lagu yidhi warka Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland.

Dhinaca kale, Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa weerar culus ku qaaday Kooxaha Argagixisada ah ee soo weeraray.

Ciidamada qaranka Somaliland, ayaa lagu soo waramayaa in ay khasaare aad u xoogan oo dhimasho iyo dhaawac ah ay gaadhsiiyeen Kooxahaasi.

Sidoo kalena, Ciidamada qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay daalka ku qabteen Kooxo Xagjir ah iyo Ciidamo ka tirsan Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Waxaa kale oo lagu soo waramayaa in Magaalada Laascaanood ay gacan ku haynteeda ay la wareegeen Ciidamada Qaranka Somaliland, isla-markaana ay Kooxihii Argagixisada ahaa ay ka carareen magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here