Dagaal Maanta Ka Dhacay Ceel Afweyn Oo Khasaare Dhimasho Sababay

0
657

Ceel Afweyn (Hargeisa Press.com): Inta la og yahay shan ruux ayaa ku dhintay ilaa dad gaadhaya tobaneeyo ayaa ku dhaawacmay dagaal maanta laba beelood ku dhex maray degaanka Karamaan oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Sida ay sheegayaan wararka na soo gaadhaya dagaalkan ayaa u dhexeeya labadii beelood ee hore ugu dagaalamay degmadda Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag iyo degaamo kale.

Kuwaasoo dhawr jeer la dhex dhexaadiyay colaadoodda, hase yeeshee dhawaanahan ay ka dhacayeen dilal lala xidhiidhinayo aano qabiil oo dagaaladii hore ku salaysan.

Dagaalkaas oo bilaabmay maanta gelinkii danbe ayaa lagu soo waramayaa in ilaa gabaldhicii ay socdeen, iyadoo la qiyaasayo in dhimashadda iyo dhaawacuba ay intaas ka badan karaan.

Waxa kaloo wararku tibaaxayaan in ay jiraan tiro dad ah oo ay maxaabiis ahaan labadda dhinac ee dagaalamay u kala qabsadeen.

Geesta kale ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ay dagaalka maanta ka soo saareen maamulka gobolka Sanaag iyo ka degmadda Ceel Afweyn midna.

Sidoo kale xukuumadda dhexe ee Somaliland aan iyad-na weli wax war ah ka soo saareen dagaalkan la sheegay in uu maanta ka dhacay degaanka Karamaan oo ka tirsan degmadda Ceel Afweyn.

Marka laga reebo in wararkii ugu danbeeyay ee halkaas naga soo gaadhay ay sheegayaan in degaanka dagaalku ka dhacay ay ku baxeen ciidamadda qaranka ee jiidaas joogay, kuwaasoo kala dhex galay beelaha dagaalamay.

Dhinaca kale colaaddan ka soo cusboonaatay degmadda Ceel Afweyn ayaa muujinaysa in ay jabtay nabadglyadii la kala dhex dhigay labadan beelood oo aanay u kala hadhin hal-doorka iyo waxgaradka Somaliland.

Iyadoo labadaas beelood la kala dhex dhigay xabad joojin iyo nabadgelyo buuxda, isla markaana ay waxyaabihii lagu heshiiyay ay ka mid ahaayeen in dhinacii heshiiska jebiya ay xukuumadu tallaabo ka qaado.

Hase yeeshee, waxaa mudooyinkan danbe degaamadaasi ka soo baxayay warar sheegayay in ay ka dhaceen dilal kala duwan oo beeliba beesha kale ku eedaynaysa.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here