Daawo Muuqaal: Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Hargeysa Ka Furay Kulan lagaga hadlayo Mashruuca JPLG

0
929

HARGEISA , (HargeisaPress) —Madaxweyne  ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa maanta magaalada Hargeisa ka furay kulan lagag hadlayo Mashruuca JPLG, kulankasi oo ay ka soo qayb galeen Wasiiro, Agaasimayaal Maayiro iyo Madax kale.

 

Geesta kale Maamulaha sare ee mashruuca JPLG Poul Simkim oo ay ku weheliyaan Bobirjan Turdiyev (Jplg Pmu)    Fridah.Karimi (Jplg Pmu),   Abduba Mollu, (Jplg Pmu),     Dmitry Pozhidaev (Uncdf)  Iyo Mahdi Omer Sheikh (Jplg Pmu). Ayaa ka soo gayb galay.

 

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Warka

 

 

 

Mashruucan oo ka hirgalay 8 degmo  (Hargaysa, Berbera, Borama, Burco, Shiekh, Gabilay, Oodwayne iyo Zayla) ayaan lasoo koobi Karin natiijooyinka ay ka gaadheen iyo sida ay awoodoodu u dhisantay, sidoo kale dawladaha hoose waxay ka helaan maal galin xaga dhismayaasha sida wadooyinka iyo wixi lamida.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here