Kumannaan Somali ah oo Qarka u saaran Geeri hadii dhakhso aan loo Caawin + SAWIRRO

0
823

NAIROBI,Kenya(HargeisaPress) —Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay qarka u saaran yihiin geeri kumannaan qof oo Soomaali ah, haddii aan gargaar dhaqso ah lala gaarin, gaar ahaan kuwa ku nool Waqooyiga Somalia, halkaas oo Abaaraha ka taagan ay saameyn xoog leh ku yeesheen nolosha dadka iyo duunyada.

 

Xiriiriyaha u qaabilsan Qaramada Midoobay gargaarka bani’aadamnimo, Peter de Clercq, ayaa 31-kii bishii Maarso ee sannadkan sheegay inay codsanayaan dhaqaale gaaraya 105 milyan oo doollarka Mareykanka ah si loogu caawiyo dad ku dhow Laba Milyan oo Somali ah oo ay saameyeen abaaraha taagan.

Abaaraha_Somalia_ku_dhuftay (1)6

Peter de Clercq, ayaa xusay in meelaha ay sida ba’an abaartu u saameysay ay ka mid yihiin deegaannada Somaliland iyo Puntland. Isagoo intaas ku daray in dhaqaalihii lagu kaalmeyn lahaa Shacabka Soomaaliyeed aanay sidii la doonayay u bixin dalalka caalamka ee deeqaha bixiya.

Abaaraha_Somalia_ku_dhuftay (12)

“Haddii aan la helin kaalmo deg-deg ah oo isugu jira; caafimaad, biyaha la cabo iyo cunno, waxaa dhici karta in kumannaan qof oo Somali ah ay u geeriyoodaan xaalado aan awoodno inaan wax ka qabanno,” ayuu Peter de Clercq ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray.

Abaaraha_Somalia_ku_dhuftay (9)

Xiriiriyaha hadalkiisa ku daray. “Waa in dalalka deeqaha bixiya ay dhaqaalihii lagu caawin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen si dhaqso ah ku bixiyaan, si looga fogaado in Abaarta xilligaan taagan ay saameyso dad Soomaaliyeedoo hor leh.”

Abaaraha_Somalia_ku_dhuftay (11)

Ugu dambeynt, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in biyo-yaraanta ka jira deegaanada abaartu ku dhufatay ay sababtay in xoolaha la dhaqdo ay u nuglaadaan cudurrada, iyadoo xoolaha dhimanayana ay ka dhigan tahay in dadku ay waayaan dhaqaalihii ay ku quudin jireen Qoysaskooda.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here