Daad Xoogan Oo Marayey Dooxa Aw-Barkhadle Ee Duleedka Hargeysa Oo Qaaday Laba Hablood Oo Walaalo Ah

0
2001

Hargeysa,(HargeisaPress) —Dooxa deegaana Aw-barkhadle oo dhinaca bari kaga beegan magaalada Hargeysa ayaa maanta qaaday gaadhi ay saarnaayeen laba gabdhood oo walaalo ah oo kasoo socdaalay magaalada Berbera una soo jeeday magaalada Hargeysa.

Laba Dumara oo walaalo ah oo geeriyooday kadib markii Daad soconaya Dooxa wayn ee Tuulada Aw-barkhadle uu qaaday iyaga iyo gaadhigii ay wateenba oo noociisu yahay Seeraf, kaasi oo ka yimi degmada sheekh ee gobolka Saaxil, kuna soo jeeday Magaalada Hargeysa. Gaadhiga ayaa ku soo beegmay xili dooxa uu daad xoogani marayey, isla markiiba wuxuu daadkii qaaday gaadhigii iyo dadkii saarnaaba, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey inuu daadkaasi qaaday laba haween ah oo saarnaa gaadhiga.

Dhinaca kale, dadweyne tiro badan ayaa ku xanibmay dooxa Aw-barkhadle oo dhanka Bari kaga beegan magaalada Hargeysa.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here