Cusbitaalka Gabiley Oo 30 Bukaan U Sameeyay Qaliinno Lacag La’aan ah

0
379

Gabiley (HP): Cusbitaalka guud ee magaaladda Gabiley ayaa markii u horaysay fuliyay qaliinnada guud oo loo sameeyay 30 qof oo bukaan ah.
Sodonkaasi qof oo qaliinno kala duwan oo lacag la’aan ah loogu fuliyay cusbitaalka Gabiley ayaa noqonaya sodonkii qof ee u horeeyay oo qaliinno guud oo noocaasi ah lagu fuliyo.
Qaliimadda noocan ee uu fuliyay cusbitaalka guud ee Gabiley waxaa ka qayb qaadanayay dhakhaatiir ajaanib, iyo sidoo kale dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ka hawl-galla cusbitaalka Gabiley.
Munaasibad loo sameeyay 30-kaasi qof ee bukaanka ahaa ee qaliinno kala duwan oo lacag la’aan ah lagu fuliyay ayaa maanta lagu qabtay gudaha cusbitaalka guud ee magaaladda Gabiley.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here