D/Hoose Ee Boorama Oo Bilawday Dhismaha Waddo Cusub Oo Laami ah

0
498

Boorama (HP): Dawladda hoose ee degmadda Boorama oo muddooyinkan ba ku hawlanayd hirgelinta Waddooyin cusub ayaa maanta bilawday dhismaha Waddadii labaad ee Laami ah.
Waddadan ay maanta dhismaheedda bilawday dawladda hoose ee Boorama ayaa loo arkaa mid aad muhiim ugu ah bulshadda xaafadda laga hirgelinayo.
Jidkaasi oo dhererkiisu dhan yahay 530Mitir, waxaa fulinaysa dawladda hoose ee Boorama, taasoo qayb ka ah horumarka ay dawladda hoose ee Boorama ka waddo magaaladaasi.
Sida uu sheegay maayarka degmadda Boorama Maxamed Axmed Warsame, oo ka warbixinayay bilawga dhismaha waddadani cuub.

Waddadani ayaa isku xidhaysaa laba Waddo, taasoo ka mid noqonaysa horumarka dawladda hoose ee Boorama ku tallaabsatay.
Maxamed Axmed Warsame, maayarka degmadda Boorama ayaa bulshadda magaaladaasi ugu baaqay in ay Waddooyinka ilaashadaan, maadaama oo cida ka faa’iidaysanaysaa ay yihiin.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here