“Culimadu diinta inagama xigaan Ka yeeli mayno in ay yidhaahdaan Burco laguma dhigi karro bandhig”…

0
977

Burco (Hargeisa Press): Ciyaar yahanka caanka ah ee dhinaca Kubbadda cagta Jaamac Maxamuud Aadan (Karaaciin), ayaa wax laga xumaado u tilmaamay in magaaladda Burco laga mamnuuco qabsashadda xafladaha, ciyaaraha iyo bandhigyadda buugaagta la qoray.

Waxaanu sheegay in culimadda magaaladda Burco ka danbeeyaan joojinta in la qabto tartamadda ciyaaraha iyo barnaamijyadda lagu dhiirigelinayo dhalinyarradda.

Tallaabadaasi oo uu Karaaciin, ku tilmaamay in ay ka mid tahay waxyaabaha dib u dhaca ugu wacan gobolka Togdheer, isla markaana aan looga dul qaadan Karin culimadu in ay mamnuucaan barnaamijyadda wacyigelinta iyo dhiiri gelinta dhalinyaradda.

Waxaanu yidhi, “Wadaadadu diinta inagama xigaan inaga, waanan u siman nahay. ILLAAHAY SWT ayuun baa og dadkiisu siday ugu kala dhaw yihiin. Ka yeeli mayno, in ay yidhaahdaan Burco laguma dhigi karro bandhig buug (book fair).

Burcaan lagu ciyaari Karin Kubbad, oo waa la is haystaa. Burcaan lagu dhigan Karin xaflad. Taasi gobolka dib ayay u dhigaysaa.  Waana waxyaalaha dib inoo dhigay. Waana in aan ka taxaderno”.

Ciyaar yahanka caanka ah ee Jaamac Maxamuud Aadan, waxa uu sidan ka sheegay  hadal uu xalay  ka jeediyay munaasibad lagu qabtay magaaladda Burco.

Geesta kale Jaamac Maxamuud Aadan (Karaaciin), ayaa caan ka ah guud ahaanba geyiga Soomaalida, isagoo ku soo caan baxay ciyaaraha fudud gaar ahaana dhinaca Kubbadda cagta.

Jaamac Karaaciin, ayaa imika  tababare sare u ah kooxda xulka qaranka ee dalka Qadar.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here