Maraykanka oo Hakinaya Dhaqaalo Uu Siiyo Itoobiya

0
1221

Washington (Hargeisa Press) — Dowladda Mareykanka ayaa hakisay kaalmada dhaqaale ee uu siiyo dalka Itoobiya, arintaasi oo salka ku haysa khilaafka ka taagan biyo-xidheenka uu waddankaasi ka dhisayo webiga Nile.

Jariirada Foreign Policy ee ka soo baxda Maraykanka ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay saameyn karto 130 milyan oo dollar oo ay xukuumadda Washington ku kabto Ethiopia.

Tallaabadan oo uu meel-mariyay xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka Mike Pompeo, ayaa sii xumeyn karta xidhiidhka u dhexeeya Washington iyo Addis Ababa, xilli Itoobiya ay wado qorshe ay ku buuxineyso biya xidheenka uu muranka ka taagan yahay.

Sida ay sheegtay jariirada Foreign Policy, dhaqaalaha uu doonayo Maraykanka inuu hakiyo ayaa saameyn ku yeelan kara dhinacyada ammaanka, la dagaallanka argagixisada, tababarka ciidamada iyo ka hortagga tahriibka ee Itoobiya.

Jariirada oo soo xigatay mas’uuliyiin ka tirsan congress-ka ayaa sheegtay inay dhici karto in lacagtaasi ay ka yaraato 130-ka milyan ee la qiyaasay.

Haddii ay dhaqangasho hakintan, waxa ay caqabad ku noqon kartaa qorshaha Itoobiya ay ku buuxineyso biyo xidheenka, sida ay qabaan khubarada ka faalooda xiisadda ka taagan webiga Nile.

Mas’uuliyiin ka tirsan Itoobiya ayaa hore u sheegay in Maraykanka uu u xaglinayo dhanka Masar oo doonaysa in heshiis laga gaadho buuxinta biyo xidheenka.

Masar ayaa ku doodaysa in biyaha Nile ay u leeyihiin mudnaan amniga qarankeeda kamid ah, waxaana warbixin uu bishii July daabacay Mac-hadka Qorsheynta Qaran ee dalkaasi lagu sheegay in 12 nooc oo kamid ah kalluunka ay dabargo’i doonaan biyo xidheenka awgii.

Wadaxaajoodkii ugu dambeeyay ee wasiiradda biyaha ee dalalka Itoobiya, Masar iyo Sudan ay Jimcihii ka yeesheen arinta biyo xidheenka ayaa ku soo idlaaday natiijo la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here