Culimada Soomaaliya oo Go’aamiyay In Dagaalka Al-Shabaab Uu Yahay Jihaad

0
876

Muqdisho (Hargeisa Press) – Shirweynihii Culimada Soomaaliya ee ka socday magaalada Muqdisho 23-26 January 2023, ayaa maanta la soo geba-gebeeyay, waxaana laga soo saaray qodobo dhowr ah.

Shirkan, ayaa ku saabsanaa in la muujiyo in kooxaha argagixisada Soomaaliya ee Al-Shabaab iyo Daacish ayna laheyn wax sharciyad diimeed ah, islamarkaana la buriyo fasiraadaha ay ka bixiyaan Diinta Islaamka, sida lagu sheegay war-murtiyeedka shirka.

Waxyaabaha shirka ka soo baxay, ayaa waxaa ka mid ah in ugu horreyn ay Culimada Soomaaliya cambaaraynayso falkii nin xagjir ah ku gubay 21-kii January 2023 meel fagaaro ah ee magaalada Stockholm ee dalka Swedan Kitaabka Qur’aanka Kariim ah.

Shirweynaha Culimada Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Soomaaliya dadaalka uu geliyay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish), waxaanay ku adkeeyeen Dowladda Soomaaliya in ay awooddeeda isu geyso cidhibtirka fikirka xagjirka ah iyo horumarinta mabaadii’da diinteenna suuban ee ku aaddan ilaalinta xasiloonnida, is- aqbalaadda iyo wada-nolaanshaha iyada oo la kala aragti duwan yahay.

Shirweynaha, ayaa sidoo kale isku raacay in Al-Shabaab, Daacish, Shiicada iyo kooxaha la midka ah ay yihiin kooxo habowsan oo ah cadowga Diinta Islaamka iyo Ummadda Soomaaliya, sida lagu sheegay War-saxaafadeedka.

Waxaanay Culimadu sidoo kale go’aamiyeen in ayna bannaaneyn in la faafiyo afkaarta kooxaha Al-Shabaab, Daacish, Shiicada iyo kooxaha la midka ah.

Qoraalka culimada, ayaa lagu yidhi, “Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu cod mideysan ugu sheegayaa Ummadda Soomaaliyeed in Kooxda Al-Shabaab iyo Daacish ay yihiin dembiileyaal Khawaarij ah oo qofkii ka dhintaa uu dhiiggiisu qiimo laheyn (hadur yahay) waxaana waajib nagu wada ah in aan la dagaallanno; qofkii la dagaallama ama ku dhinta dagaalka lagu jiro Khawaarijta waa shahiid loo rajeynayo in uu soo galo dadkii uu Rasuulkeenna, naxariis iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee, uu ku sheegay in ay Janno u sugnaatay.”.

Waxaa sidoo kale war-mutiyeedka lagu sheegay in Shirweynaha Culimada Soomaaliya uu isku raacay in la macaamilka kooxaha Khawaarijta ah, nooc kasta uu yahayba sida xoolo-siinta, garsoor u doonasho iyo in la qariyo qof iyaga ka mid ah, uu xaaraan yahay kana soo horjeedo dhaqanka suuban ee Diinta Islaam-ka.

“Shirweynaha wuxuu u caddeynayaa Ummadda Soomaaliyeed in dagaalka lagula jiro Khawaarijta uu yahay jihaad lagu difaacayo maqaasidda waaweyn ee Shareecada Islaamka: badbaadinta diinta, nafta, hantida, caqliga, iyo sharafka qofka aadanaha ah,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

Ugu dambeyn waxa war-murtiyeedka lagu caddeeyey in Culimada Soomaaliya oo isku duuban ay Dowladda Soomaaliya ku garab taagan yihiin dadaalka ay ku horumarinayso hannaan lagu ilaalinayo Diinta Islaamka, islamarkaana ay isku raaceen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ilaalinta Diinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here