Maxay Ka Wadahadleen Wasiirka Shaqo-gelinta iyo Madaxa Qaybta Carruurta Hay’adda UNICEF?

0
1178

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxor), ayaa maanta kulan is barasho la qaatay madaxa qaybta Carruurta ee Hay’dda UNICEF.

Wasiirka, ayaa waxaa kulankan ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta Axmed Xasan Aw Aadan iyo Agaasime Waaxeedyada kala duwan ee Wasaaraddaasi.

Muddadii uu kulankani socday, ayaa waxaa diirada lagu saaray waxyaabihii ka qabsoomay Arrimaha Carruurta iyo ilaalinta Carruurta.

Waxaana kulankan laga wadahadlay qorshayaasha hortebinta u leh dhanka Carruurta ee sanadkan 2023 iyo waxyaabaha diirada lagu saarayo.

Ugu danbayn masuuliyiintii ka socday Hay’adda UNICEF, ayaa soo kormeeray qaybaha shaqo iyo xafiisyada loogu adeego Carruurta ee wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here