“Colaadii Oromadda iyo Soomaalida waa la xaliyay 100% Canfartana gar-darooyin”…

0
698

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka hadlay sababta keentay in aanay doorashadu ka dhicin deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Iyadoo doorashooyinkii Arbacadii todobaadkan ka dhacay dalkaasi aanay ka qabsoomin is maamulka Soomaalida iyo ka Tigrey oo ay xaalad colaadeed ka taagan tahay.

Sababta dib u dhaca keentay ayuu madaxweyne Cagjar, ku tilmaamay mid ku timid khaladaad ku dhacay warraaqaha musharaxiinta iyo cabashooyin ay gudbiyeen xisbiyadda mucaaradka ah.

Waxyaabahaasi daryeed ayaana keenay in bisha September ee sanadkan 2021-ka la qorsheeyay in ay doorashooyinku ka dhacaan degaanka Soomaalida Itoobiya.

Sida ay qorsheeyeen guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya, hase yeeshee madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, ayaa rejo ka muujiyay wakhtiga la qorsheeyay ay doorashadu ay ku qabsoomi doonto, Waxaanu yidhi, “Dib u dhaca waxaa keenay, deegaankayaga oo balaadhan, khaladaad ka yimid xagga guddiga doorashooyinka, oo daabacaadda warraaqaha musharixiinta ah, iyo cabashooyin xagga mucaaradka ka tegay markii hore, oo aad loo buun-buuniyay.

Kadibna la soo diray guddi arrimihii laga cawday soo xaqiijiya, guddigaasi oo aanu rejaynayno in marka ay ka Lug-baxaan doorashooyinkii dalka ka dhacay, in ay warbixintoodda soo saari doonaan”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Si aan tusaale ugu noqono Itoobiyadda kale, dhinaca nabadgeliyadda saddexdii sanadood ee ugu danbaysay, in dhinaca fur-furnaanta siyaasadana  ay hadda dan noo tahay,… wakhtigii hore waan dhibsanaynay.

Laakiin, hadda waxaan aaminsan nahay, iyadoo ay indhaha weriyeyaasha, iyo caalamka iyo guddiga doorashooyinku ay iskaashi u helaan, deegaankayaga, in ay soo af-jari, doonto dacaayado fara badan, oo dadyow aan shacabka dhexdiisa tabar ku lahayn, laakiin, saxaafadda ka muujiya in ay weli leeyihiin taageereyaal, ay naftoodda ku qancin lahaayeen in aanay arrintaasi sii wadaynin”ayuu yidhi Mustafe Cagjar, oo maanta magaaladda Hargaysa ugu waramay idaacadda VOA.

Isagoona ka mid ahaa wefti uu hogaaminayay wasiirka maaliyadda federaalka Itoobiya Axmed Shidde, oo shalay ka qayb galay xadhig ka jarista dhamaystirka wejiga koowaad ee balaadhinta iyo casriyaynta dekadda Berbera.

Dhinaca kale, madaxweyne Cagjar, oo wax laga waydiiyay xaaladda nabadgeliyo ee deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaana isku dhacyo sanadahan danbe dhex maray qawmiyadaha Canfarta, Oromadda iyo Soomaalida.

Waxa uu sheegay in la xaliyay dhibaatooyin colaadeed oo ka dhexeeyay qawmiyadaha Oromadda, Canfarta iyo Soomaalida ee dalkaasi wada degga. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Xaaladu way iska fiican tahay imika. Isku dhacyadii deegaanka Soomaalida iyo Oromadda waa la xaliyay, 100% si guud wax dhibaato ahi ma jiraan. Canfartu, dad aanu walaalo nahay weeye. Gar-darooyin iska fool xun, oo shacabka galbeedka Sitti, ku dhaca ayaa jira, iyo barakicin. Barakicintaasina in la hakiyo, awaamiir laga bixiyay ayaa jira. Waxaanan rejaynaynaa in arrintaasi la soo af-jari doono”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here