Toos: Xuska 61-guurada Ka Soo Wareegtay Markii Somaliland Xornimada Ka Qaadatay Britain oo Ka Socota Madaxtooyada

0
1653

 

Hargeisa (Hargeisa Press) – Waxaa hada xarunta madaxtooyadda Somaliland ka socota munaasibad loogu dabaal-degayo xuska 61-guurrada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadeedda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26-kii June ee sanadkii 1960-kii.

Munaasibadan ka socota xarunta madaxtooyadda, waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyeyaasha labadda xisbi mucaarad ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, iyo Waddani C/raxmaan Cirro.

Sidoo kale, waxaa munaasibadan goobjoog ka ah wufuud caalami ah oo ka kala socda wadamadda ay Somaliland xidhiidhka leeyihiin, sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti, Imaaraadka Carabta, Taiwan, iyo dalal kale.

Waxa kaloo xafladaasi goobjoog ka ah guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirrada, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Halkan hoose si toos ah uga daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here