Guddoomiye Saleebaan oo Sheegay In Aanay Dib U Dhacayn Khaladaadkii Ay Somaliland Gashay 1960-kii

0
1851

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in aan dib loogu noqonayn midnimo kale oo dhexmarta Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaanu guddoomiye Saleebaan uu sheegay in Somaliland ay kortay islamarkaana wax badan kaligeed qabsatay.

Dowladda Soomaaliya, ayaa wuxuu u soo jeediyey inay ka Samraan Somaliland islamarkaana aanay dib u dhacayn Khaladkii ay Somaliland gashay 1960-kii.

Gudoomiye Saleebaan, waxaa uu qaranka Somaliland uga mahadnaqay doorashadii quruxda badnayd ee dalka ka dhacday 31-kii May 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here