Ciyaartii Furitaanka Oo Lagu Ciyaaray Garroonka Kubbadda Kollayga Laascaanood+ Sawirro

0
401

Laascaanood (HP): Ciyaartii u horaysay ayaa Jimcihii shalay si rasmiya looga furay garoonka Kubbadda Kollayga ee magaaladda Laascaanood.


Kariv markii garroonkaasi ay dayactir balaadhan ku samaysay dawladda hoose ee Laascaanood.
Waxaana ciyaartii furitaanka ka soo qayb galay maayarka degmadda Laascaanood C/casiis Xuseen Maxamed, isuduwaha wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha ee gobolka Sool.


Ganacsato, dhalinyaradda xiisaysa ciyaaraha, iyo daawadeyaal fara badan.
Maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo ciyaartaasi si rasmiya u furay, ayaa ka hadlay fuirtaanka garroonka kubbada Kollayga.


Waxaanu yidhi, “Maalinamadii shalay oo Jimce ahayd waxaan si rasmiya u furnay, ciyaartii u horaysayna lagu ciyaaray Garoonka Kubbada Kollayga (Basketboll) ee Laascanood.


Garoonkan ayaa waxa dayac tirtay dawlada hoose ee degmadda Laascanood.
Iyadoo ka duulaysa horumarinta iyo sidii loo heli lahaa dhalinyaro u carbisan Kubbada Kollayga”.


Waxaanu intaas raaciyay, “Furitaanka ciyaartaasi waxaa goob-joog ahaa isuduwaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, qaar ka mida warbaahinta Laascanood, dhalinyaro, iyo Ganacsato.
Waxaana garoonka aan waqti kula qaatay dhalinyaro ku ciyaaraysay” ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

DAAWO: WARKAASI:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here