Munaasibad Lagu Shaacinayay Murashax Yaxye Arraarse Oo Lagu Qabtay Gabiley

0
537

Gabiley (HP): Munaasibad balaadhan oo lagu shaacinayay murashaxnimadda Yaxye C/laahi Aamin, oo u tartamaya golaha Wakiiladda ee gobolka Maroodijeex ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Gabiley.

Murashax Yaxye C/laahi Aamin, oo ka sharaxan xisbiga Kulmiye ayay beeshiisu u soo xuleen inuu u tartamo doorashadda golaha Wakiiladda ee soo soo socota.

Xafladii shaacinta murashax Yaxye Arraarse, waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye, siyaasiyiin, madax dhaqameed, aqoon yahano, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, maayarka Gabiley, dhalinyaro, haween iyo dadweyne kaloo fara badan.

Waxaana munaasibadaasi shaacinta hadalo ka jeediyay cuqaashii, waxgaradkii, iyo masuuliyiintii kale ee halkaas ka hadlay ayaa dhamaantoodba muujiyay sida ay ugu qanacsan yihiin inuu golaha Wakiiladda ku metelo gobolka Maroodijeex.

Iyadoo ay xubnahaasi sheegeen in Yaxye Arraarse, uu yahay shaqsi ay ku soo xusheen aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa, isla markaana uu muddo dheer ka soo shaqeeyay wadamo badan oo dibadda ah.

DAAWO: Hadaladii Laga Jeediyay Munaasibadaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here